02/08/2026
Dengue Fever (Qandhada Dengue):
waa cudur fayras ah oo ay keento fayraska Dengue virus (DENV). Waxa uu ku faafaa qaniinyada kaneecada, kuwaas oo inta badan qaniina maalintii, gaar ahaan aroorta iyo galabtii dambe.
1. Maxaa keena Dengue Fever?
Waxaa keena Dengue virus, oo leh 4 nooc (DENV-1, DENV-2, DENV-3, DENV-4).
Fayrasku qof ilaa qof si toos ah uguma gudbo; wuxuu ku gudbaa oo keliya kaneecada cudurka sidda.
2. Sidee ayuu ku faafo?
Kaneeco ayaa qaniinta qof qaba dengue.
Kaneecadu markay qaniinto qof caafimaad qaba, waxay u gudbisaa fayraska.
3. Calaamadaha Dengue?
Calaamaduhu waxay bilaabmaan 4β10 maalmood kadib qaniinyada kaneecada.
Waxaa ka mid ah:
β Qandho sare oo degdeg ah.
β Madax xanuun daran
β Xanuun indhaha gadaashooda ah
β Murqo iyo kala-goysyo xanuun ("breakbone fever")
β Lalabbo iyo matag
β Finan maqaarka ka soo baxaDaal iyo tabar-darro
4. Daaweynta?
Ma jirto dawo gaar ah oo disha fayraska dengue.
Daaweyntu waa taageero:
β Cab biyo badan.
β Isticmaal Paracetamol
β Naso oo si dhow ula soco calaamadaha.
Ha isticmaalin:
β Ibuprofen
β Diclofenac
β Aspirin, Daawooyinkan waxay kordhin karaan khatarta dhiig-baxa.
Haddii uu jiro dengue daran
Waxaa loo baahan yahay isbitaal. IV fluids).
5. Sidee looga hortagaa?
β Ka ilaali guriga biyaha fadhiya ee kaneecadu ku taranto.
β Dabool haamaha biyaha.
β Isticmaal maro kaneeco (mosquito net),
Mohamed Khayr (M.K)