Barashada Dhagaxda qaaliga Ah

Barashada Dhagaxda qaaliga Ah "Waxaad kahelaysaa mac’luumaad ku saabsan macdanta Noocyadeeda kaladuwan iyo waliba xogta dhagaxda qaaliga ah

10 Bilood Ayaan Kumanan Muwaadin Ugu Samayn Lahayn Shaqa Abuur ….Balse Dawladu Dacad Ha Ka Noqoto ..Oo yayna Xidh’xidhan...
21/08/2025

10 Bilood Ayaan Kumanan Muwaadin Ugu Samayn Lahayn Shaqa Abuur ….
Balse Dawladu Dacad Ha Ka Noqoto ..
Oo yayna Xidh’xidhan Khayraadkan Lawada Leeyahay…

08/05/2025
 .Cad ama jeex ka mid ah dhagax kasoo dhacay Samada oo Laga helay Soomaaliya, oo hadda yaal Jaamacadda Alberta ee dalka ...
29/11/2022

.

Cad ama jeex ka mid ah dhagax kasoo dhacay Samada oo Laga helay Soomaaliya, oo hadda yaal Jaamacadda Alberta ee dalka Kanada(Canada) ayaa ka kooban laba macdan oo aan weligeed ama h**e loogu arag dhulka.

Dhagaxaan Rajamka ah(Meteorite) oo ah
15 tan oo laga helay degmada Ceel Cali ee gobolka hiiraan ee maamul Goboleedka Hirshabeelle, ayaa ah meteorite-kii sagaalaad ee ugu waynaa oo abid la helay.

Labadan macdan ee la helay waxay ka yimaadeen hal muunad(Sample) oo ahayd 70 garaam oo loo diray Jamacadda University of Alberta ee dalka kanada, si loo kalasaaro Loona cadeeyo nuuca macdanta ku jirta.
Waxaana Muuqda suurtagal-nimada in la helo macdan seddexaad.

Cilmi-baarayaashu waxay leyihiin "Haddii an heli lahayn muunado badan(more samples) oo ka yimaada meteorite-ka (Rajamka) weyn, waxaa jirta fursad ah in xitaa wax badan laga yaabo in laga helo".

Labadan macdan ee dhawaan la helay ayaa lagu kala magacaabay: elaliite iyo elkinstantonite.

Midka ugu horreeya waxaa loogu magacdaray Ceel Cali(El Ali), sababtoo ah waxaa laga helay meel u dhow magaalada Ceel Cali.
Macdanta labaad ayaa loogu magacdaray Haweney professor-rad ah una dhalatay dalka mareykanka, Laguna magacaabo: Lindy Elkins-Tanton oo ah madaxweyne ku xigeenka Interplanetary Initiative at Arizona State University.

Dhagaxaan wuxuu hadda yalaa dalka china isagoo beec ah, wuxuuna kamid yahay kheyraadka allah nagu galadaystay.

Qoraal-kan waxaan usoo qoray in qofkasta oo Soomali ah dalka ka rajo dhigin, xog-ogaalne u ahaado nimcada dalkeena ceegaagta, dunidane kula Jaan-qaadno.
Wali wuu dahanyahay dalkeena, allah amaan Hanooga dhigo.

Waxaa qoray Ali Dahir Farah

Address

Awarestreet
Lefe Isa
6259

Telephone

+251930735962

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Barashada Dhagaxda qaaliga Ah posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Barashada Dhagaxda qaaliga Ah:

Share