10/06/2020
Siigaysiga Siigaysiga ama in biyaha shahwada la isaga keeno gacanta waa xaaraan, waxaana u daliila aayado Quraana iyo Sunnada rasuulka (scw):
ﻭَﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﻫُﻢْ ﻟِﻔُﺮُﻭﺟِﻬِﻢْ ﺣَﺎﻓِﻈُﻮﻥَ ﴿٥﴾ ﺇِﻟَّﺎ
ﻋَﻠَﻰٰ ﺃَﺯْﻭَﺍﺟِﻬِﻢْ ﺃَﻭْ ﻣَﺎ ﻣَﻠَﻜَﺖْ ﺃَﻳْﻤَﺎﻧُﻬُﻢْ ﻓَﺈِﻧَّﻬُﻢْ
ﻏَﻴْﺮُ ﻣَﻠُﻮﻣِﻴﻦَ ﴿٦﴾ ﻓَﻤَﻦِ ﺍﺑْﺘَﻐَﻰٰ ﻭَﺭَﺍﺀَ ﺫَٰﻟِﻚَ
ﻓَﺄُﻭﻟَـٰﺌِﻚَ ﻫُﻢُ ﺍﻟْﻌَﺎﺩُﻭﻥَ ﴿٧﴾
”Iyo kuwa furuujtooda
(xubnaha taranka)
ilaalinaya. Xaaskooda iyo
waxay gacantoodu hanatay
mooyee (dumarkii
adoomada ahaa) ayagana
laguma canaanayo. Cidiise
doonta waxaas wixii kasoo
hadhay kuwaasi waa
xadgudbayaal” [1]
Ibnu Kathiir Ilaahay ha unaxariistee isagoo fasiraya aayadan wuxuu yidhi: ”waa kuwa ka xifdiyey furuujtooda xaaraanta, ee aan ku dhicin waxa Ilaahay reebay sida Zinada iyo Qowmu
Luudnimada, ee aan u dhowaanin cidaan ahayn xaasaskooda Ilaahay u xalaaleeyey, iyo adoomada Ilaahay xalaaleeyey, cidii la timaada waxa Ilaahay xalaaleeyeyna laguma canaanayo sidaas darteed ayuu yidhi: ( ﻓﺈﻧﻬﻢ ﻏﻴﺮ ﻣﻠﻮﻣﻴﻦ ﻓﻤﻦ ﺍﺑﺘﻐﻰ
ﻭﺭﺍﺀ ﺫﻟﻚ ) cidii aan ahayn xaasaskooda ama adoomadoda, ( ﻓﺄﻭﻟﺌﻚ ﻫﻢ ﺍﻟﻌﺎﺩﻭﻥ ) kuwaasi way xadgudbeen” [2]
Imaamu Shaafici wuxuu u daliishaday aayadan in siigaysigu xaaraan yahay, wuxuuna yidhi: ”ficilkaasi wuu ka baxsanyahay labada qeybood” Waxa kale oo culumada qaar ay u daliishadeen:
ﻭَﻟْﻴَﺴْﺘَﻌْﻔِﻒِ ﺍﻟَّﺬِﻳﻦَ ﻟَﺎ ﻳَﺠِﺪُﻭﻥَ ﻧِﻜَﺎﺣًﺎ ﺣَﺘَّﻰٰ
ﻳُﻐْﻨِﻴَﻬُﻢُ ﺍﻟﻠَّـﻪُ ﻣِﻦ ﻓَﻀْﻠِﻪِ ۗ
”Ha dhawrsadaan kuwa aan
helaynin nikaax (awood ay
ku guursadaan) illamaa
Ilaahay ku kaaftoonsiin
deeqdiisa” [3]
Aayadu waxay tilmaamaysaa in dadka aan awooda ulahayn inay guursadaan Ilaahay faray inay samraan, illamaa Ilaahay fadligiisa uu ugu guurinayo. Walal faafi adoo mahad san