26/05/2026
SHAACIN RASMI AH
GUDDIGA DOORASHADA MIDOWGA ARDAYDA JAAMACADDA HIIRAAN
Maamulka Jaamacadda Hiiraan wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa Guddiga Doorashada Midowga Ardayda Jaamacadda Hiiraan, kuwaas oo hadda si rasmi ah u guda geli doona howlaha doorashada iyo maamulka geeddi-socodka doorashada Midowga Ardayda.
Guddiga ku xusan sawirka kore ayaa masuul ka noqon doona diyaarinta, hagidda iyo xaqiijinta in doorashadu u dhacdo si hufan, cadaalad ah, isla markaana waafaqsan nidaamka iyo xeerarka u degsan Jaamacadda.
Waxaan u rajeynaynaa guddiga cusub guul, wada-shaqeyn iyo gudasho xil oo hufan, si ay uga miro dhaliyaan masuuliyadda culus ee loo igmaday.
Guddoomiyihii h**e ee Midowga Ardayda, Hassan Ahmed Ali, waxaan uga mahadcelinaynaa kaalintii iyo shaqadii uu u soo qabtay ardayda muddadii uu xilka hayay