Midowga Ardayda jamacada “SBÜ”

Midowga Ardayda jamacada “SBÜ” Somali Mogadişu Recep Tayyip Erdoğan sağlık Bilimleri Üniversitesi.

📢 Ogeysiis Muhiim ahWaxaa  wali socota isdiiwaangelinta Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka Soomaaliya – Muqdisho. Jaamacaddu...
05/09/2026

📢 Ogeysiis Muhiim ah
Waxaa wali socota isdiiwaangelinta Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka Soomaaliya – Muqdisho. Jaamacaddu waxay bixisaa waxbarasho tayo leh oo ku saabsan Nursing, Midwifery, Anesthesia iyo Radiology.
Jaamacadda: Ardayda qalin-jabisa waxay heli karaan fursado waxbarasho oo heer sare ah, oo ay ku jirto Master Degree- taasoo kor u qaadaysa aqoonta iyo xirfadda ardayga.
👉 Hadda isdiiwaangeli oo ka faa’iidayso fursaddaada waxbarasho.

20/08/2026

Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Marka h**e, waxaan salaan iyo mahadnaq u dirayaa maamulka jaamacadda, macallimiinta, shaqaalaha iyo dhammaan ardayda Sağlık Bilimleri Üniversitesi.
Magacaygu waa Jibriil Ahmed Mohamed, waxaan ahay Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Sağlık Bilimleri Üniversitesi. Xilkan waxaan hayay muddo hal sano ah, waxaana aad ugu mahadcelinayaa maamulka jaamacadda iyo ardaydii ii arkay inaan xilkan qaadi karo, isla markaana aan matali karo oo aan ka jawaabi karo baahiyaha iyo arrimaha ardayda.
Runtii, waxaan aad ugu faraxsanahay muddadii hal sano ahayd ee aan xilkan hayay iyo waxyaabihii aan ku soo kordhinnay jaamacadda, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ahaa ardayda.
Intii aan xilka hayay, waxaan dhisay Xukuumadda Ardayda, oo ka koobnayd Guddoomiye Ku-xigeen iyo Golaha Ardayda. Xukuumaddaasi waxay ila shaqeysay si daacadnimo, naf-hurnimo iyo wadajir ah. Haddii aysan jirin taageeradooda iyo wada shaqeyntooda, ma suuragaleen guulo badan oo aan maanta ka hadleyno.
Waxaan sidoo kale markii ugu horreysay jaamacadda ka hirgelinnay Xafiiska Ardayda, oo uu Guddoomiyaha Ardaydu si rasmi ah uga howl-galo. Xafiiskaas waxaan u qalabeynay si qurux badan, waxaana ka dhignay xafiis joogto ah oo ardaydu ugu imaan karaan talo, cabasho, baahi iyo arrimo kale oo la xiriira noloshooda jaamacadeed.
Sidoo kale, annagoo mataleyna magaca jaamacadda, waxaan qabannay howlo iyo munaasabado kala duwan. Waxaa ka mid ah barnaamijyo Ramadaan iyo afurin, siminaaro, xaflado iyo activities kala duwan oo wax ku ool u ahaa ardayda, isla markaana kor u qaadayay wadajirka iyo xiriirka ardayda iyo jaamacadda.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan ardaydii ila soo shaqeysay, gaar ahaan Xukuumadda Ardayda, Golaha Ardayda iyo dhammaan intii gacan ka geysatay hawlihii aan qabannay.
Sidoo kale, waxaan mahadnaq iyo qadarin u dirayaa maamulka jaamacadda, macallimiinta iyo shaqaalaha, kuwaas oo mar walba naga taageeray howlaha iyo adeegyada aan u qabanaynay ardayda.
Hal sano kadib, haddii mar kale ay noo suuragasho inaan hoggaanka ardayda sii wadno, waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno jihaynta iyo horumarinta ardayda, isla markaana aan bilowno shaqooyin iyo mashaariic cusub oo wax badan u tari doona ardayda iyo jaamacadda.
Haddii se aysan taasi dhicin, waxaan si sharaf leh fursadda ugu wareejin doonaa ardayda dhexdooda, si ay iyagu u doortaan mas'uulka ugu firfircoon, ugu kartida badan, uguna habboon inuu hoggaamiyo ardayda oo uu sii wado adeegga iyo horumarinta jaamacadda.
Ugu dambeyn, waxaan leeyahay:
Waxaan u mahadcelinayaa qof kasta oo garabkayga istaagay, igala shaqeeyay, igu taageeray, talo i siiyay ama qayb ka qaatay horumarka ardayda.
Waxaan rajeynayaa in waxa aan bilownay ay sii socdaan, jiilalka ardayduna ay ka sii horumariyaan.
Mahadsanidiin dhammaantiin.
Wabillaahi Towfiiq.

Magaca: Jibriil Ahmed Mohamed
Xilka: Guddoomiyaha Ardayda – Sağlık Bilimleri Üniversitesi
Saxiixa: __________________________

05/08/2026

Isdiiwaangelinta sannad waxbarasheedka 𝟐𝟎𝟐𝟔–𝟐𝟎𝟐𝟕 ee Jaamacadda Erdogan Muqdisho waxay ka socotaa xarunta ee ku dhex taalla Cisbitaalka Ex-Digfeer Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital
🎓🌍𝐅𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝 𝐆𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡!
Ardayda ka qalinjabisa Jaamacaddeenna waxay helayaan fursad dahabi ah oo ay ku sii wadan karaan Master Degree ayaga oo aan dalka ka bixin.
Ha seegin fursaddan qaaliga ah.
Wixii faah-faahin ah fadlan la xiriir:
𝟔𝟏 𝟑𝟏𝟏𝟎𝟎𝟒𝟒
Jaamacada Erdogan Muqdisho
|
|
|
| ゚

TACSI TIIRAANYO LEHMaamulka, macallimiinta, shaqaalaha, iyo ardayda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversi...
17/07/2026

TACSI TIIRAANYO LEH
Maamulka, macallimiinta, shaqaalaha, iyo ardayda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, iyo bahda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Ali Xusein Maxamuud (Ali Asaf).
Marxuum Ali Xusein Maxamuud (Ali Asaf) wuxuu ka mid ahaa ardayda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi, wuxuuna si gaar ah uga tirsanaa hoggaanka ardayda isagoo ahaa Xoghayaha Guud. Wuxuu ahaa arday lagu yaqaanay akhlaaq wanaagsan, xilkasnimo, daacadnimo, iyo dadaal uu ugu adeegayay ardayda iyo jaamacadda.
Muddooyinkii u dambeeyay, marxuumku wuxuu howlo shaqo ugu maqnaa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, halkaas oo uu ku geeriyooday. Geeridiisu waxay murugo iyo tiiraanyo ku reebtay bahda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu u naxariisto, Janatul Firdowsana ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo. Sidoo kale waxaan Alle ka baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan bahda jaamacadda.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaa si qurux badan looga xusay Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi munaasabadda Maalinta Xorriyad...
26/06/2026

Waxaa si qurux badan looga xusay Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi munaasabadda Maalinta Xorriyadda Soomaaliyeed.
Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa maamulka jaamacadda, marti sharafta iyo macallimiinta qiimaha badan ee ka qeyb qaatay munaasabaddan. Sidoo kale mahadnaq gaar ah waxaa mudan Xukuumadda Ardayda oo waqti iyo juhdi badan gelisay sidii ay munaasabaddan ugu qabsoomi lahayd si heer sare ah.
Hambalyo Maalinta Xorriyadda Soomaaliyeed! 🇸🇴

22/06/2026

# kaladnaanay gumeysi
# lasinaanay adunkoo
# dowlad beynu lahaanay 🇸🇴

Üniversitemizde Masa Tenisi Turnuvası düzenlenmiştir.Kızlar ve erkeklerin kendi aralarında yaptıkları kıyasıya maçlarda ...
15/06/2026

Üniversitemizde Masa Tenisi Turnuvası düzenlenmiştir.Kızlar ve erkeklerin kendi aralarında yaptıkları kıyasıya maçlarda 1,2 ve 3. olan öğrencilere başarı belgeleri ve madalyaları Üniversite dekanımız Sn. Prof.Dr. Raşit GÜNDOĞDU tarafından takdim edildi.Aynı zamanda Voleybol şampiyonları da ödüllerini aldılar.Tüm öğrencilerimizi tebrik ediyoruz.🇹🇷

Jaamacaddeenna waxaa lagu qabtay tartan Miiska Kubadda (Masa Tenisi) ah. Tartamo aad u adag oo dhex maray gabdhaha iyo wiilasha ayaa la ciyaaray, waxaana ardaydii gashay kaalmaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad la guddoonsiiyay shahaadooyin guul iyo billado. Abaalmarinnadaas waxaa guddoonsiiyay Hormuudka Jaamacadda, Prof. Dr. Raşit Gündoğdu.
Sidoo kale, kooxihii ku guuleystay horyaalka Kubadda Laliska (Voleybolka) ayaa iyaguna helay abaalmarinnadoodii.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydeenna. 🎉🏅🏆👏🇸🇴

18/05/2026
Hambalyo weyn ayaan u diraynaa kooxda foculty-ga Hemşirelik oo ku guuleysatay koobka tartanka Volleyball-ka ee Jaamacadd...
16/05/2026

Hambalyo weyn ayaan u diraynaa kooxda foculty-ga Hemşirelik oo ku guuleysatay koobka tartanka Volleyball-ka ee Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi. 👏🏐
Waxa uu ahaa tartan qurux badan oo muujiyay isku duubni, dadaal, iyo tartan ciyaareed oo heer sare ah, gaar ahaan finalkii xiisaha badnaa ee dhexmaray foculty-yada Anaztezi iyo Hemşirelik. Guushu maanta waxay raacday Hemşirelik, balse dhammaan ka qeybgalayaashu waxay muujiyeen karti iyo sportsmanship wanaagsan.
Hambalyo markale kooxda Hemşirelik iyo dhammaan ardaydii ka qeyb qaadatay abaabulka iyo ciyaaraha. 🌟




🏆

Address

Banaadir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Ardayda jamacada “SBÜ” posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share