23/03/2026
Godoomiyaha ardayda Jaamacadda Somali Mogadişu Sağlık Bilimleri Üniversitesi, muddadii uu xilka hayay oo ku dhow 6 bilood, waxa uu hirgeliyay shaqooyin badan oo muhiim ah.
Dhinaca arrimaha gudaha, waxa la qabtay hawlo iyo aktivitiyooyin kala duwan, gaar ahaan kuwa la xiriira waxbarashada sida siminaaro iyo barnaamijyo kor u qaadaya aqoonta ardayda.
Sidoo kale, dhinaca arrimaha dibadda, waxa la sameeyay xiriiro la taaban karo. Tusaale ahaan, ardayda jaamacadda waxay ka mid noqdeen ciyaaraha kubadda laliska iyagoo ku biiray Somali Volleyball Federation, taasoo muujinaysa horumar iyo matalaad wanaagsan.
Ardayda jaamacadda waxay muujiyeen firfircooni, dadaal iyo juhdi dheeraad ah, iyagoo si muuqata uga qayb qaatay horumarka guud.
Ugu dambeyn, inta ka hartay sanad dugsiyeedka, waxaa qorshaysan in la qabto shaqooyin cusub oo wax ku ool ah, kuwaas oo u horseedi doona ardayda iyo jaamacaddaba guulo waaweyn.