Hiiraan International University

Hiiraan International University Hiiraan International University is a nonprofit and private institution. The main drive of founding HIU

It was officially established in Hiiraan, Somalia, in 2018 by a group of Somali scholars and Intellectuals.

29/07/2026

Maalintii 6-aad ee Bandhigga Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan

Maalintii 6-aad ee Bandhigga Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan ayaa lagu qabtay Beeraha Damalow, halkaas oo ardaydu ay kusoo bandhigeen qayb muhiim ah oo ka mid ah hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo soo bandhigay dhaqanka beeraha iyo wax-soo-saarka, si ay u muujiyaan doorka ay beeruhu ku leeyihiin nolosha bulshada Soomaaliyeed iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta hidaha, dhaqanka, iyo horumarinta wax-soo-saarka dalka.

Bandhiggan ayaa weli sii xoojinaya wacyigelinta, barashada, iyo ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo siinaya ardayda fursad ay ku muujiyaan aqoontooda iyo hal-abuurkooda.

27/07/2026

Hidda iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan

Ardayda Jaamacadda Hiiraan oo si qurux badan u soo bandhigaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo xiran dharka hidaha, kana tarjumaya qiimaha, bilicda iyo dhaqanka soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.

26/07/2026

Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan 2026

Mid ka mid ah muuqaalladii ugu soo jiidashada badnaa ee Bandhigga Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan ayaa ahaa soo bandhigista suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed, halkaas oo ardaydu si hufan ugu muujinayeen quruxda dhaqankeena, wadajirka, iyo hal-abuurka jiilka cusub.

Bandhiggan wuxuu xoojinayaa ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo kobcinaya aqoonta iyo is-dhexgalka ardayda.

23/07/2026

Mid ka mid ah dhaantooyinkii lagu soo bandhigay Todobaadka Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan.

NATIIJADII IMTIXAANKA DHAMMAADKA SANADKA 2025–2026 WAA LA SHAACIYAY!Ardayda sharafta leh ee Jaamacadda Hiiraan, waxaan i...
23/07/2026

NATIIJADII IMTIXAANKA DHAMMAADKA SANADKA 2025–2026 WAA LA SHAACIYAY!

Ardayda sharafta leh ee Jaamacadda Hiiraan, waxaan idin ogeysiineynaa in natiijooyinka Imtixaanka Dhammaadka Sanad-dugsiyeedka 2025–2026 hadda laga heli karo Student Portal-ka.

Geli Portal-ka adigoo adeegsanaya:
✅ Student ID-gaaga
✅ Password-kaaga

Hubi natiijadaada maanta, waxaana kuu rajeyneynaa guul iyo horumar.

Hiiraan University
The Garden of Knowledge and Virtue

23/07/2026

Muuse Cabdi Xaaji Faarax ayaa gabay heer sare ah ka qaaday munaasabadda Todobaadka Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan, isagoo suugaantiisa ku ammaanay tayada waxbarasho ee Jaamacadda Hiiraan iyo doorka ay ku leedahay horumarinta aqoonta, hiddaha, iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, gabayga ayaa si qoto dheer ugu bogaadiyay Guddoomiyaha Jaamacadda Hiiraan, Eng. Ahmed Mohamed Nor, hoggaamintiisa wanaagsan, dadaalka uu ku horumarinayo Jaamacadda, iyo himilada fog ee uu u leeyahay kobcinta waxbarashada iyo dhismaha jiil aqoon leh.
Bandhiggan suugaaneed wuxuu ka mid ahaa barnaamijyadii ugu soo jiidashada badnaa ee lagu soo bandhigay Todobaadka Hidaha iyo Dhaqanka Jaamacadda Hiiraan, isagoo muujiyay qiimaha ay suugaantu u leedahay ilaalinta hiddaha iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada.

Address

Hiiraan
Beledweyne
252

Telephone

+252610202888

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiiraan International University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Hiiraan International University:

Shortcuts

Share