17/07/2026
π LABORATORY OO KU GUULEYSATAY KOOBKA TARTANKA KUBADDA CAGTA JAAMACADDA HIIRAAN 2026
Waxaa maanta si guul leh loo soo gabagabeeyay Final-ka Tartanka Kubadda Cagta Jaamacadda Hiiraan 2026, kaas oo dhex maray kooxaha IT Semester 4 iyo Medical Laboratory.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso badan oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar tayo sare leh. Markii waqtigii caadiga ahaa lagu kala bixi waayay, waxaa lagu go'aamiyay rigoore, iyadoo ugu dambeyn Medical Laboratory ay ku guuleysatay koobka tartanka.
Hambalyo kooxda Medical Laboratory oo noqotay Horyaalka Tartanka Kubadda Cagta Jaamacadda Hiiraan 2026, waxaana sidoo kale bogaadin mudan kooxda IT Semester 4 oo soo bandhigtay dadaal iyo ciyaar wanaagsan intii uu tartanku socday.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan kooxihii ka qaybgalay tartanka, guddiga qabanqaabada, garsoorayaasha iyo taageerayaashii ka qeyb qaatay guusha tartankan.
Hambalyo Champions! ππ