19/08/2026
Kulan Dhiirrigelin qaar kamida dhalinyaradda Qalin-jabiyeyaasha Fasalka 12-aad 🎓
Waxaa maantay qabsoomay kulan dhiirrigelin iyo garab istaag ah oo aan ugu talo galnay ardayda fasalka 12-aad ee qalin-jabineysa sanad-dugsiyeedka 2025–2026.
Kulanka oo ay soo qaban qaabiyen Adam Sharid Hanshi iyo murashax xildhibaan golaha wakiiladda Hirshabelle Isse Hassan MoHumed
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda waxbarashada, diyaar-garowga jaamacadda, doorashada mustaqbalka iyo in ardaydu ineey yeeshaan himilo iyo dadaal ay ku gaaraan yoolalkooda.
🎓 Qalin-jabintu ma aha dhammaad, ee waa bilowga marxalad cusub.
Waxaan dhammaan qalin-jabiyeyaasha kula dardaaranay inay sii wataan waxbarashada, ka faa’iideystaan fursadaha jira, ayna noqdaan jiil aqoon, akhlaaq iyo karti leh oo dalkooda iyo bulshadooda wax ku biiriya.
Hambalyo dhammaan qalin-jabiyeyaasha Fasalka 12-aad ee 2025–2026! 🇸🇴🎓
Mustaqbal wanaagsan iyo guul ayaan idiin rajeynaynaa.