Mohamet garaad

Mohamet garaad Mohamet garaad

Success is delivered to the deserving. thanks for putting up with me. Mom all the persistence and dedication paid off fi...
17/08/2024

Success is delivered to the deserving. thanks for putting up with me. Mom
all the persistence and dedication paid off finally. 👨‍🎓

07/09/2021
15/08/2021
09/02/2021

Aabbe ayaa inantiisa ku casuumay inay kasoo wada casheeyaan hudheelada Magaalada. Wuxuu mudalabkii si hoose ugu amray in uu u keeno nooc kasta oo cunnada ugu macaan uguna caraf badan balse uu soo raaciyo weel daboolan oo aan la ogaan karin waxa gudihiisa ku jira.
Miiskii ayaa lasoo saaray cuntadii oo nooc walba leh taas oo midiba midda kale ka qurux badan tahay kana dhadhan iyo caraf fiican tahay, hase ahaatee Inantu waxa ay indhaha ku haysey keliya weelkan daboolan waxayna damacday in ay ugu horraynba isaga daboolka ka qaaddo.
Aabihii ayaa weydiiyay sababta ay u dananynayso in ay ogaato waxa ku jira weelkan gaarka ah isla markaana ay isaga indho tirayso cunnooyinkan qaaliga ah ee horteeda yaalla.
Waxay ku jawaabtay:- waxaan ogahay waxa weelkan ku jiraa in uu ka qaalisan yihiin waxan hortayda yaalla oo dhan, taasina ay tahay sababta loosoo qariyey!
Aabihii ayaa isaga oo dhoolla caddaynaya ku jawaabay:- waa taas sababta aan gabadhaydiyeey Xijaabka kuugu xidhay. Waxaad ka qaalisan tahay kana maamuus badan tahay wax kasta oo bannaanka la keenay.
💫💫💫
Xijaabku ma aha cabbudhin, xijaabku waa ammaano iyo asturaad la asturayo shay mudan in la asturo oo aysan ahayn inuu arko qof mutaystay maahine.
💫💫💫
Waxaan maqlay sheeko kale:- daafaca kubada cagta kooxda Barcelona ee Gerrard Pique waxa u dhaxday gabadh fannaanad ah oo saa'id isu qaawisa lagu magacaabo Shakira(astaqfirullah). Waxa dhacday in ciyaartoygaasi uu beryo dhexe u ololeeyay in gobolka Catalonia uu ka go'o Spain inteeda kale. Hase ahaatee dhamaan taageerayaashi Qaranka Spain xanaaqay waxayna soo qaateen Boodhadh waaweyn oo ay kusoo qoreen kelmedaha sida " Shakira Ragga Oo Dhan Ayaa Wada Leh"
💫💫💫
Dabeecadaha ragga waxa waxa kamid ah oo aan ahayn wax la qariyo; in ninku jecelyahay la haasaawidda gabadh aan iska asturin ama aan ka xishoon oo sheeko kastaba la wadi karta, laakiin wuxu jecel yahay! Waan ku celinayaaye, nin kastaa wuxuu jecelyahay in uu guursado gabadh asturan.
Rabbiyow na astur
Wa billaahi tawfiiq.

Share- sii faafi walaal
Hal abuur axmed maxamed

Address

Zaxil Street 250
Berbera

Telephone

+25263955754

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamet garaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share