14/02/2026
إنّا لله وإنّا إليهِ رَاجعُون
Maamulka, macallimiinta, hawl wadeennada iyo ardayda jaamacadda Abaarso Tech University Berbera, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan macallin Hibaad Maxamed Cilmi oo ka tirsan barayaasha jaamacadda, oo uu aabaheed Maxamed Cilmi Cige geeriyootay.
Waxa aynu Alle uga baryaynaa in uu naxariistii janno Firdawsa siiyo, ehelada iyo macaariiftana samir buuxa ka siiyo.