15/06/2024
𝗖𝗶𝗶𝗱 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗿𝗮𝗸 (عيدكم مبارك)
Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis ee Shareecada (Boorama) Sheekh Cabdinaasir Player, Hormuudyadda Kuliyadda Shareecadda iyo Qeybta Daraasaadka Sare Sheekh Cumar Lughaya & Dr Asad Kibaar iyo dhammaan bahda Gollis Shareeca Boorama waxay hambalyo u dirayaan dhammaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay joogaan munaasibadda Ciidal-Adxa awgeed.
Waxay si gaar ah u hambalyaynayaan ardayda, waalidka iyo howl-wadeenada kala duwan ee Jaamacadda, waxaanay Ilaahay uga baryayaan in uu ciiddan ciideeda caafimaad qab iyo cibaado san innagu gaadhsiiyo, inta buktana Ilaahay caafimaad taam ah siiyo.
Aammiin Aammiin.
"كل عام وأنتم بخير، عيد أضحى مبارك"