03/09/2026
π XAFALADDA SOO DHAWEYNTA ARDAYDA FASALKA 1AAD IYO ABAAL-MARINTA ARDAYDA DHAMMAYSATAY FASALKA AFRAAD.
Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Jawhar
Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Jawhar waxa uu si heer sare ah u qabtay xaflad lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee ku soo biirtay Fasalka 1aad, isla markaana lagu hambalyeynayay, lagu maamuusayay laguna abaalmarinayay ardaydii si guul leh u dhammaysatay Fasalka Afraad (Form Four).
Xafladdu waxay ahayd munaasabad muhiim ah oo isu keentay Maamulka Dugsiga, Macallimiinta, Ardayda iyo Marti-sharafta, iyadoo ujeeddadeedu ahayd in ardayda cusub lagu dhiirrigeliyo bilowga marxaladdooda cusub ee waxbarasho, halka ardaydii dhammaysatay dugsigana loogu muujiyay qadarin iyo bogaadin ku aaddan dadaalkii iyo guushii ay soo gaadheen.
π ABAALMARINTA IYO MAAMUUSKA ARDAYDA
Intii ay xafladdu socotay, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinno iyo shahaadooyin maamuus ah ardaydii muujisay dadaal, karti, anshax iyo waxqabad wanaagsan. Abaalmarinnadani waxay qayb ka yihiin dadaalka Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Jawhar uu ku dhiirrigelinayo ardayda, kuna abuurayo jawi waxbarasho oo ku dhisan dadaal, tartan caafimaad qaba iyo heer sare.
π Waxaan u mahadcelinaynaa maamulka, macallimiinta, waalidiinta iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta xafladdan qiimaha badan.
Sheekh Cali Jawhar Secondary School
π Aqoontu waa furaha mustaqbalka, dugsiga lagu gaadhana waa Sheekh Cali Jawhar.
π€³πΈ Sir Kanaddi_Kanaddi
π€²
ποΈ khamiis Sep 3, 2026.