RSU Faculty of Health Science كلية العلوم الصحية

  • Home
  • Somalia
  • Bosaso
  • RSU Faculty of Health Science كلية العلوم الصحية

RSU Faculty of Health Science كلية العلوم الصحية College

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda Badda Cas waxa ay shahaadooyin guddoonsiisay arday dhammaysatay tababar ujeed...
22/05/2024

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda Badda Cas waxa ay shahaadooyin guddoonsiisay arday dhammaysatay tababar ujeedkiisu ahaa in ardayda barata qaybta Caafimaadka Bulshada (Public Health) loo diyaariyo in ay noqdaan adeegayaal caafimaad (Community Health Workers).

Waxaa tababarkan bixiyay barayaasha kala ah Ustaad Cabdiqani Maxamed Cabdullaahi iyo Ustaad Maxamud Cabdullaahi Muuse

Waxa adeeg dhammaystiran loo qabtay qaar kamid ah hooyooyinka uurka leh ee ku nool Kaamamka Barakacayaasha Degmada Boosa...
21/05/2024

Waxa adeeg dhammaystiran loo qabtay qaar kamid ah hooyooyinka uurka leh ee ku nool Kaamamka Barakacayaasha Degmada Boosaaso.

Adeeggaan oo isugu jira tababarro, wacyigelin iyo Kumbuyuutar saarid bilaash ah (Free Ultrasound Scans) ayaa ka mid ahaa barnaamijka "Hindisaha Caafimaadka iyo Ladnaanta" ee loo qabanayey barakacayaasha.

Madasha waxa kasoo qayb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Degmada Boosaaso mudane Bashiir Faarax Siciid iyo qaar ka mid ah maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Badda Cas.

20/05/2024
20/05/2024

Our dedicated nursing students took a significant step towards enhancing healthcare services for internally displaced persons (IDPs) by handing over essential medical supplies to the cholera treatment center at Bosaso IDP camps.

The Dean of the Faculty of Health Sciences, speaking at the event, praised the students for their initiative and reaffirmed the faculty's commitment to supporting public health efforts.

Cholera remains a major health challenge in areas with limited access to clean water and sanitation facilities. Our students' initiative not only addresses immediate medical needs but also underscores the importance of community involvement and proactive healthcare measures in crisis settings.

We are incredibly proud of our students for their commitment to public health and their empathy towards those affected by displacement and disease. Their efforts exemplify the core values of our institution – compassion, service, and excellence in healthcare.

We hope this initiative will inspire others to contribute to humanitarian efforts and make a positive impact on communities in need.

13/05/2024

Happy International Day of Nursing!

As faculty of Health Sciences at Red Sea University, we extend our deepest gratitude and admiration to all nurses around the world for their tireless dedication, compassion, and invaluable contributions to healthcare.

Your unwavering commitment to excellence and patient care inspires us all. Thank you for your incredible service and unwavering commitment to improving lives every day. Wishing you a day filled with appreciation and recognition for the incredible work you do.

May 12, 2024 oo ku beegan "Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaalisooyinka", waxa ay Jaamacadda Badda Cas hambalyo iyo bogaadi...
13/05/2024

May 12, 2024 oo ku beegan "Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaalisooyinka", waxa ay Jaamacadda Badda Cas hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan Kalkaalisooyinka/ Kalkaaliyaasha adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Waxa aad haysaan shaqo adag oo qiimo weyn ugu fadhida bulshada.

Si lamid ah waxa aan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardaydeenna qaalliga ah ee barata Qaybta Kalkaalisannimada, sida ay mar walba ugu hagar-baxaan bulshadooda iyaga oo weli waxbarashada ku jira.

Hambalyo Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaalisooyinka.

Ardayda barata qaybta Kalkaalisannimada (Nursing) ee Jaamacadda Badda Cas ayaa agab caafimaad gaarsiiyey Xarunta Daawayn...
13/05/2024

Ardayda barata qaybta Kalkaalisannimada (Nursing) ee Jaamacadda Badda Cas ayaa agab caafimaad gaarsiiyey Xarunta Daawaynta Shubanbiyoodka (Cholera Treatment Centre) ee ku taal Kaamamka Barakacayaasha ee Bariga Boosaaso.

Maanta oo ah Talaado; May 07, 2024, waxaa bilawday xulidda ka-faa'iidaystayaasha ugu nugul, uguna mudan in ay ka faa'iid...
07/05/2024

Maanta oo ah Talaado; May 07, 2024, waxaa bilawday xulidda ka-faa'iidaystayaasha ugu nugul, uguna mudan in ay ka faa'iidaystaan "Hindisaha Caafimaadka iyo Ladnaanta" oo loo qabanayo barakacayaasha ku nool Degmada Boosaaso.

Hindisahan oo ay wada fulinayaan Jaamacadda Badda Cas iyo Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso ayaa si rasmi ah uga bilawday 13-ka kaam ee barakacaasha bariga Boosaaso.

Xulitaanka ka-faa'iidaystayaasha waxa iska kaashanaya guddoomiyaasha kaamamka barakacayaasha iyo ardayda barata qaybaha kala ah: Adeegga Bulshada (Social Work) iyo Kalkaalisannimada (Nursing) oo uu hormuud u yahay Ustaad Burhaan Maxamed Cali.

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Badda Cas ayaa daahfurtay 'OLOLAHA OGOW DHIIGGAAGA' (Blood Group Testing C...
06/05/2024

Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Badda Cas ayaa daahfurtay 'OLOLAHA OGOW DHIIGGAAGA' (Blood Group Testing Campaign) oo ah olole sannadle ah oo ay qabataan ardayda sannadka 2-aad ee qaybta Culuumta Shaybaarka Caafimaadka.

Ololahan ayaa soconaya muddo lix (6) beri ah oo ka bilaabanaysa Axad, 05/May/2024 illaa Sabti, 11/May/2024.

Waxa daahfurkan kasoo qaybgalay Diiwaanhayaha Guud, Hormuudyada Kulliyadaha kala duwan iyo qaar kamid ah maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda.




Waxa ay Jaamacadda Badda Cas ugu hambalyaynaysaa ummulisooyinka adduunka oo ay ku jiraan ummulisooyinka Soomaaliyeed Maa...
05/05/2024

Waxa ay Jaamacadda Badda Cas ugu hambalyaynaysaa ummulisooyinka adduunka oo ay ku jiraan ummulisooyinka Soomaaliyeed Maalinta Ummulisada Adduunka 05 May. Qiime weyn ayay adduunka ugu fadhiyaan naf-huristiinna, naxariistiinna, iyo badbaadintiinna hooyooyinka iyo dhallaanka uurka ku jira.

Waxa ay Jaamacaddu si gaar ah ugu hambalyaynaysaa ardayda dhigata Qaybta Ummulisannimada ee Kulliyadda Culuumta Caafimaadka.

Guulaysta.

Congratulations to our Year Four students on successfully defending their thesis! On behalf of the entire Faculty, we co...
05/05/2024

Congratulations to our Year Four students on successfully defending their thesis!

On behalf of the entire Faculty, we commend your hard work, dedication, and scholarly achievement.

Your contributions to academia are inspiring, and we look forward to witnessing your continued success in the future. Well done!

With love and best wishes.

Ciid Mubarak dhammaan ummadda Muslimiinta ah.
27/06/2023

Ciid Mubarak dhammaan ummadda Muslimiinta ah.

Address

Road 30 Biyakulule
Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RSU Faculty of Health Science كلية العلوم الصحية posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to RSU Faculty of Health Science كلية العلوم الصحية:

Share