26/05/2026
Waxaa xalay si heer sare ah loo qabtay xaflad lagu daahfurayey Dugsiga Daarayn ee Hoose/Dhexe/Sare, kaas oo qayb cusub ka furanaya magaalada Burco.
Xafladdaas waxaa ka qayb galay hormuudka Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Burco, Sh. Zakariye Suldaan, isaga oo bogaadiyey furitaanka dugsiga iyo horumarka laga sameynayo dhinaca waxbarashada Ee Gobolka Togdheer