21/08/2025
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐๐๐ข๐ง๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐จ, ๐ ๐๐๐ซ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐๐ง๐ ๐ข๐ง๐๐๐ซ๐ข๐ง๐ -๐ค๐.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Anigoo ku hadlaya magaca maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐จ, gaar ahaan kulliyadda ๐๐๐ฅ๐๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐๐ง๐ ๐ข๐ง๐๐๐ซ๐ข๐ง๐ -๐ค๐, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardayda maanta ka qalinjabinaysa kulliyaddan qiimaha badan.
Qalinjabintu waa maalin taariikhi ah oo calaamad u ah dadaalkii, adkaysigii iyo kartidii aad soo muujiseen muddadii aad ku jirtay waxbarashada. Waa guul aan idinka raacin nolol idil, waana halbawlaha hormarka noloshiinna iyo bulshada guud ahaan.
Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad aqoonta aad heshay ku hogaamisaaan horumarka dalka, bulshadiinna iyo dunida inteeda kale. Waxaa maanta la idin kaga baahan yahay inaad noqotaan hal-abuurayaal, injineerro casri ah iyo hoggaamiyeyaal ku suntan anshax iyo aqoon.
Ugu dambayn, hambalyo qoysaska, ehelada iyo asxaabta garab istaagay ardayda muddadii ay ku jireen waxbarashada. Ilaahay ha idiin barakeeyo.
Hambalyo Qalinjabiyeyaasha Kulliyadda Telecommunication Engineering-ka! ๐๐
๐๐๐ญ๐๐ก ๐๐ฐ๐จ
๐๐๐ฅ๐๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐๐ง๐ ๐ข๐ง๐๐๐ซ๐ข๐ง๐