Abwaan ismaaciil tayo

Abwaan ismaaciil tayo Ma caydheeyo garashada
gobanimo ma cidhib tiro
magac waa cudoonyee
ma ciseeyo qolo qolo
reer hebela ma cuskado murtimaal

Heesta , adoon dhawrsoonErayada ,, abwaan ismaaciil tayoLaxanka ,, khaalid kaamilCodka ,, Cali jookar
25/06/2025

Heesta , adoon dhawrsoon

Erayada ,, abwaan ismaaciil tayo
Laxanka ,, khaalid kaamil
Codka ,, Cali jookar

EREYADA: ISMAIL TAYOLAXANKA: KHAALID KAAMILMUSIC: AYUUB HAARUNCAMERA & EDITED: AHMED AKCopyright@Hawraar Music

10/02/2025

Dayax nuurka jiitiyo
Xidigtii dagaare
Darjada wanaagiyo
Huwanayd dadnimadaay

Qalbi kuu Dardhanayo
Duni kaa jeclaadaa
Dhaktarkii daweeyiyo
Dabiibkiisi noqotoo

Ku doortay doortoo
Naftu doonistaadii
Ku daashay daashe
Hoo dareenka quluubto
Kalgacaylka daryeel

Ismaaciil tayo

08/12/2024

Xili aad jirabantahay
Taladuna jiq kugu too
Wakhti kaa janjeedhsaday
Intuu jeebo kugu xidhay
Liinta jeelka kuu milay
Nacab jecel lurkaagiyo
Doqon jaanis kaa helay
Ileen kuuma jiidh naxo

Ismaaciil tayo

Abwaan gabay kula hadlaya madaxwayne muuse biixi
31/03/2024

Abwaan gabay kula hadlaya madaxwayne muuse biixi

27/11/2022

EREYADA: ISMAIL TAYOLAXANKA: KHAALID KAAMILMUSIC: AYUUB HAARUNCAMERA & EDITED: AHMED AKCopyright@Hawraar Music

03/10/2022

Mucaarad yaaf yaaf qabiyo
Muxaafad yurtaa hayaa
Yoolkaygii habaabiyoo
Rajadii yeel igaga xidhay

Siyaasiyo yay, ahoo
Damiir yax yaxaa ku jirin
Ayaa yalamsadoo liq,liqa
Yoomkiyo hantidaan lahaa

Tayo

09/06/2022

Ilwaad samidiyo abuurta qurxoon
Anshaxa wacane asluubta watiyo
Muuqiyo aragaa indhaha jiitoo
Qalbigu Amar,li. Ajiib dookhoo

Kashiyo uurkaa ku aaminayoo
Adeecay wadnaa. Xiisaha ololoo
Abuuran jacayl. Eegmadu dhalisoo
Awgaa dumarkii ka Aamusayeee

Arwaaxda naftaad udgoon utahoo
Jacayl ulkamaad ilays u shidoo
Qalbigu ogolaa halkaad amartee

Jacaylka ajiib rajadu ha iftee

04/06/2022

Nuxuuskiyo dira,diri
Naafaynta jacaylka Iyo
Nitaaqada uun jeclaa
Isheeg noloshaydiyeey
Inaan niyadiyo kashiyo
Nabdiga ka midaysanahay
Tayo

Kulan awliyaad
07/05/2022

Kulan awliyaad

24/02/2022

Xidigyahay bidhaantaada
Bilicdiyo xaragadaada
Xaqiiqdii markaan eegay
La xarbiyay dareen baahay
Adigaa xiskiyo maanka
Xaruuntii qalbiga yeeshay
Idilkood xubnaha jiidhka
Adigaa ku xayn,daaban

Naftan aawadaa xiiqsan
Kuu xayiran dartaa qoolan
U xawilan jacaylkaaga
Xanaanaynta faraxeeda
Kuu xilsaaray nolosheeda

Tayo

Address

Dahabshiil Bank
Burco

Telephone

+252633416963

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan ismaaciil tayo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Abwaan ismaaciil tayo:

Share