24/09/2026
🎓 AL-IMRA INTERNATIONAL UNIVERSITY Xarunta 4-aad – Buur Hakaba.
🌟 HAMBALYO IYO DEEQ WAXBARASHO 🌟
Al-Imra International University waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Dufcaddii 11ªªD ee iskuulka Ayuub Sheikhey Primary & Secondary School, oo ka qalin-beddelaysa.
Waxaan hambalyo gaar ah u diraynaa ardayda qalin-beddelaysa, maamulka dugsiga, macallimiinta iyo waalidiinta, annagoo u rajaynayna ardayda mustaqbal ifaya, guul iyo horumar waxbarasho.
🎓 FURSAD DEEQ WAXBARASHO
Dr. Mohamed Elmi Ali, Maamulaha Xarunta 4ªªD ahna wakiilka guud KGS ee Al-Imra International University Buur Hakaba, ayaa munaasabadda qalin-bedalashada ku dhawaaqay fursad muhiim ah oo ku wajahan ardayda.
Waxa uu ballanqaaday in 50 arday oo ka mid ah ardayda qalin-beddelaysa ay heli doonaan.
DEEQ WAXBARASHO OO BUUXDA
🎓 FULL SCHOLARSHIP".
Fursaddan waxay ardayda siinaysaa fursad ay ku sii wataan waxbarashadooda jaamacadeed, iyagoo ka faa'iidaysanaya fursad waxbarasho oo muhiim u ah mustaqbalkooda.
Hambalyo Dufcaddii 11ªªD.
Al-Imra International University waxay idiin rajaynaysaa aqoon, guul iyo mustaqbal ifaya.
Aqoontaada Maanta, Mustaqbalkaaga Berri.