24/07/2026
ุจูุณูู
ู ุงูููู ุงูุฑููุญูู
ูฐูู ุงูุฑููุญููู
ู
Magaceyga oo ah eng Abdulaahi serious /designer waxaan halkaan ka cadeenaa horayna ucadeeyay inaan ahay musharax utaagan kursiga golaha deegaanka dhuusamareeb waxaan kusoo jiray ka shaqeenta ururada bulshada ee volunteers ee dal iyo dibad iyo arimaha waxbarashada waxaan inbadan kashaqeenayey hay'adda wacyigelinta Udub arwanes iyo Ururka Midowga Ardayda Jaamacaddaha Soomaaliyeed-MAJSOM oon hogaaminayey anigoo diiradda saaray kor uqaadista wacyiga bulshada ee nabadda ,horumarka iyo kalsooni dhiska mustaqbaleesan kuna dhisan amaano bulsho iyo isku tiirsanaan bulsho .
Walina kasii shaqeyn doonno hadaan guuleesto iyo hadii aan guuleesan .
Anigoo ka duulaya mas'uuliyadda ururada bulshada kuwooda volunteers bulshada iyo horumarka Galmudug , waxaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si xushmad iyo kalgacal leh uga codsanayaa inay codkooda ku taageeraan Ururka Siyaasadda ramaas oo aan ka sharraxanahay si aan ugu sii dhiiranaado wax uqabashada danyarta oo hormuud. u yahay xisbigu sida magaca ku aragtaan si loo helo jiil kusoo baxa dowladnimo hagaagsan , astaantiisuna tahay
Maroodiga
, lambarkiisuna yahay 48.
Doorashada Galmudug waa fursad lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, laguna dooranayo hoggaan gole yaal deegaan ,mid walkiil iyo mid mw weyne ku shaqeeya hufnaan, isla xisaabtan, iyo u adeegidda bulshada. Musharraxnimadeeda waxay ka dhigan tahay ballanqaad lagu hoggaaminayo shacabka iyadoo mudnaanta la siinayo nabadda, horumarka adeegyada bulshada, shaqo-abuurka dhalinyarada, tayeynta waxbarashada, ilaalinta deegaanka, iyo kobcinta amniga. hiilka danyarta&dadka qaba baahiya gaarka oo isugu jiro dad ku dulman nidaamka dowladnimo iyo dad xukmi rabi ay uwaayeen xubnahoodii muhiimka ahaa.
Waxaan idinka codsanayaa in maalinta Khamiista, oo ku beegan 30-ka Luulyo, aad codkiinna ku garab istaagtaan Ururka Siyaasadda Ramaas (Maroodiga) โ Astaanta 48.
Ballanqaadkeenna waa: Waxqabad rumooba, rajo guulaysata.
Mahadsanidiin.
.