11/02/2021
😁
Tuugo ayaa bangi weerartay. Mid ka mid ah tuugadii ayaa qayliyay isagoo dadka la hadlaaya wuxuuna yidhi:
"Hantida dowladaa ayaa iska leh, naftiinana idinkaa iska leh, isku daya naftiina inaad bad-baadsataan"
Dadkii oo dhan dhulka ayay wadaa seexdeen.
Taas waxaa la yidhaahdaa 'Baddalidda habka ay dadka u fikirayaan'
Qof haweeney ah ayaa si qaldan u jiifsatay oo lugaha kala taagytay, tuug ayaa meesha soo maray wuxuuna ku yidhi "Reer magaal iska dhig meeshan kufsi maaha ee bangi ayaa la dhacayaa u jiifso si wanaagsan"
Taasna waxaa la yidhaahdaa 'Diirad saarka Shaqada' si aadan uga mashquulin Shaqadaada.
Tuugadii markii lacagta ay qaateen ayaa tuug yar oo shaqada ku cusbaa wuxuu u yimid tuugii waynaa, wuxuuna yidhi "lacagta aan tirino"
Tuugii waynaa oo 15 sano shaqadan ka shaqaynayay wuxuu yidhi, "Ha is daalinin, Warbixinta oo dhan waxaan ka ogaan donnaa warka TV-ga laga sheegi doono"
Taasna waxaa la yidhaahdaa "KHIBRAD" iyadaana ka muhiimsan shahaadooyinka.
Maamulihii Baanka joogay wuxu wacay kii ka sareeyay, wuxuna yidhi, "BANGIGA waa la dhacay ee booliska ma u sheegnaa? Maamulihii waynaa wuxuu yidhi, Maya. "10 malyan noo qaad oo ku dar 70 malyan oo horay i noogu maqneyd, kadibna ku dar inta la xaday. Wadarta Guud oo ah 100 Malyan booliska u gudbi in bangiga laga dhacay"
Taasna waxaa la yidhaahdaa "Inaad la Dabaalan kartid Mowjad/hirka dhanka uu usocdo"
Maamuluhii hoose wuxuu yidhi, "waxaa fiicnaan lahayd bishii mar bangiga hadii la dhici lahaa"
Taasna waxaa la yiraahda, "Damac Kathiirnimo" Islamarkaana ay hantidaada gaarka ahna ay kaala wanaagsanaato shaqadaada.
Habeenkii markii la gaadhay, TV-ga waxaa laga sheegay 100 milyan in Bangiga laga dhacay.
Tuugadii waxay bilaabeen inay tiriyaan lacagtii ay soo dhaceen, Mise waaba 20 malyan oo kaliya.
Markaas ayay int ay xanaaqeen, ayay Camal-Guhaadeen, Waxayna yidhaahdeen, "Intaan tuugo noqon lahayn oo nafteena halis galin lahayn waxaa noo fiicneyd inaan wax baranno"
Sababto ah 80 milyan ayay qaateen Maamulayaashi bangigu iyagoo Shaadhkoodu uu u cad yahay.
Wax barashadu waa u muhiim nolosha aadmiga.