20/06/2026
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Daaha, Mudane Ayuub Cawil Cabdi, ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen guddoomiyayaasha jaamacadaha magaalada Gaalkacyo. Kulankan oo uu martigeliyay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika, Mudane Cabdiweli Cali Beceeye, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, is-dhexgalka ardayda, iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya jaamacadaha magaalada.
Mudane Ayuub Cawil Cabdi ayaa kulanka ka jeediyay hadal uu ku bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo midnimada ardayda, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyay Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika martigelinta iyo qabanqaabada kulankan muhiimka ah. Waxa uu xusay in kulamada noocan oo kale ahi ay door weyn ka qaataan isfahamka, wada-tashiga, iyo horumarinta arrimaha waxbarashada iyo ardayda.
Ugu dambayn, ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen in la sii xoojiyo wada-shaqaynta iyo xiriirka ka dhexeeya ururrada ardayda ee jaamacadaha magaalada Gaalkacyo, si loo gaaro himilooyin waxbarasho iyo bulsho oo waxtar u leh ardayda iyo guud ahaan bulshada