16/06/2026
OGEYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS
Dhamaan bahda jecel waxbarashada ee joogta Galkacyo, gaar ahaan kuwa daneeya xirfadaha farsamada gacanta, waxaa la ogeysiinayaa in Iskuulka Farsamada Gacanta Galkacyo (Gotenbaag) uu hayo fursad waxbarasho oo bilaash ah.
Tobabarkan waxaa iska kaashanaya:
• Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
• Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
• Hay’adda Windle International Somalia
• Iskuulka Farsamada Gacanta Galkacyo (Gotenbaag)
Xirfadda Labaranayo
Fursadaan waxaa lagu baranayaa maadada Renewable Energy, gaar ahaan Xirfadda Solar-ka (Solar Energy Systems).
Dadka Mudnaanta La Siinayo
Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa:
• Dadka baahiyaha gaarka ah qaba
• Gabdhaha
• Dadka qaxootiga ah
• Dadka laga tirada badan yahay
• Iyo cid kasta oo ka faa’iidaysan karta fursaddan
Shuruudaha Codsadaha laga rabo
Qofka codsanaya waa inuu:
• Leeyahay ugu yaraan waxbarasho dugsi dhexe ama wax u dhigma
• Haystaa aqoonsi rasmi ah
• In da’diisu u dhaxayso 15 ilaa 25 sano
• Inuu awood u leeyahay inuu ka qayb galo waxbarashada wakhti kasta oo loo qorsheeyo
Xilliga Diiwaangelinta
Waxaa la qaadanayaa tiro kooban oo arday ah. Sidaa darteed, dhammaan dadka danaynaya waxaa lagu wargelinayaa inay yimaadaan xarunta Iskuulka Farsamada Gacanta Galkacyo (Gotenbaag).
Saacadaha Diiwaangelinta:
🕣 08:30 subaxnimo – 04:30 galabnimo
Muddada Diiwaangelinta:
📅 04/06/2026 ilaa 18/06/2026
Contact:- 907661676/7793346/7795434