16/10/2026
🎓 JAAMACADDA IMAAMU SHAAFICI OO KA QAYB-GASHEY XAFlADDA QALIN-JABINTA MACHADKA AL-IKHLAAS
Madaxa Xiriirka Bulshada ee Jaamacadda Imaamu Shaafici, Faraca Galkacyo, Mudane Sahal Maxamuud Cabdulle, ayaa ka qaybgalay xafladda qalin-jabinta ardayda Machadka Al-Ikhlaas ee Barashada Diinta Islaamka.
Intii ay xafladdu socotay, Jaamacaddu waxay:
🏆 U ballanqaadday ardayga kaalinta koowaad inuu helo deeq waxbarasho oo bilaash ah (Full Scholarship).
📚 Ardayda ku dhiirrigelisay inay sii wataan waxbarashadooda heer jaamacadeed.
🤝 Ballanqaadday adeegyo waxbarasho oo tayo leh iyo macaamil wanaagsan haddii ay doortaan Jaamacadda Imaamu Shaafici.
Jaamacadda Imaamu Shaafici waxay mar walba garab taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo dhiirrigelinta jiilka aqoonta leh.
Imaamu Shaafici – Asalka iyo Casriyeynta.