Imam Shafi’i University -Galkacyo Compus

Imam Shafi’i University -Galkacyo Compus Kusoo Dhawoow Jaamacadda Imaamu Shaafici Faraceeda Gaalkacyo

Guddoomiyaha Jaamacadda Imaamu Shaafici, Dr. Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil shekh muxamed faarax, ayaa kulan shaqo la yee...
17/08/2026

Guddoomiyaha Jaamacadda Imaamu Shaafici, Dr. Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil shekh muxamed faarax, ayaa kulan shaqo la yeeshay maamulka iyo qaar kamida macallimiinta Jaamacadda.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta waxbarashada, tayada adeegga jaamacadda iyo xoojinta wada-shaqeynta maamulka iyo macallimiinta.

Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadaan maamulka iyo macallimiinta, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaaraan juhdigooda.

Ugu dambayn, Dr. Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil wuxuu maamulka iyo macallimiinta u jeediyay dardaaran muhiim ah, isagoo xusay:

“Ilaahay ma dayaco qof shaqadiisa gutay, mana hoojiyo qof dadaalay oo hididiilay.”

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday dhiirrigelin, dardaaran iyo ballanqaad ku aaddan sii horumarinta Jaamacadda.

17/08/2026

Gudoomiye Soo dhawaw

Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug, halkaas oo uu booqasho m...
17/08/2026

Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug, halkaas oo uu booqasho muhiim ah ku yimid.

Soo dhaweynta waxaa ka qayb qaatay culimada Gobolka Mudug, Agaasimaha Jaamacadda iyo ardayda Jaamacadda ee faraca Gaalkacyo, kuwaas oo muujiyay soo dhaweyn, qadarin iyo taageero ay u hayaan Jaamacadda iyo dadaalladeeda waxbarasho.

Booqashadan ayaa muhiim u ah xoojinta xiriirka ka dhexeeya maamulka Jaamacadda, culimada, ardayda iyo bulshada Gobolka Mudug, iyadoo la adkeynayo wada shaqaynta iyo dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada.

Soo dhaweyntan waxay muujinaysaa midnimada, taageerada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Jaamacadda iyo bulshada Gobolka Mudug.

📢 **OGEYSIIS MUHIIM AH**🎓 **Jaamacadda Imaamu Shaafici – Faraca Gaalkacyo, Galmudug** waxay qabanaysaa:🌟 **Kulan Tababar...
17/08/2026

📢 **OGEYSIIS MUHIIM AH**

🎓 **Jaamacadda Imaamu Shaafici – Faraca Gaalkacyo, Galmudug** waxay qabanaysaa:

🌟 **Kulan Tababar Muhiim ah**

# # # **“XEERARKA GUUSHA”**

🎙️ **Waxaa bixinaya:**
**Dr. Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Sheekh Maxamed Faarax**
🔹 Guddoomiyaha Jaamacadda Imaamu Shaafici

📅 **Talaado, 18 Agoosto 2026**
📍 **Xarunta Jaamacadda – Gaalkacyo, Galmudug**
🕓 **4:00 galabnimo**

✨ Waa fursad muhiim ah oo lagu baranayo **furayaasha guusha, horumarinta nafta iyo sida loo gaaro yoolalka nolosha iyo waxbarashada.**

📌 **Ha seegin fursaddan qiimaha badan!**
**Ku soo dhawoow kulanka “Xeerarka Guusha”.**

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH🎓 DIIWAANGELINTA DIPLOMA-GA LUUQADDA CARABIGAWaxaa si rasmi ah u furmay diiwaangelinta ardayda danay...
16/08/2026

📢 OGAYSIIS MUHIIM AH

🎓 DIIWAANGELINTA DIPLOMA-GA LUUQADDA CARABIGA

Waxaa si rasmi ah u furmay diiwaangelinta ardayda danaynaysa inay qaataan Diploma-ga Luuqadda Carabiga.

Haddii aad doonayso inaad heer sare ka gaarto Luuqadda Carabiga, maanta waa fursaddaada! 🌟

📚 Waxa barnaamijka bixinaya:
✅ Macallimiin ajaanib ah oo khibrad leh
✅ Macallimiin Soomaali ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo leh
✅ Tababar iyo waxbarasho heer sare ah

📞 Nagala soo xiriir:
+252 61 7008783

🚨 Boosaska waa xaddidan yihiin — iska diiwaangeli maanta!

Bahda Jaamacadda Imaamu Shaafici Waxaa ay Hambalyo iyo bogaadin udirayaan Guud ahaan Ardayda ku baastay Imtixaanka shaha...
15/08/2026

Bahda Jaamacadda Imaamu Shaafici Waxaa ay Hambalyo iyo bogaadin udirayaan Guud ahaan Ardayda ku baastay Imtixaanka shahaadiga ah ee 2025 -2026, waxaana urajeyneynaa Mustaqbal ifaaya inshaa allaah.

📢 **OGEYSIIS MUHIIM AH**Xafiiska Imtixaanaadka Jaamacaddu wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa natiijada imtixaanka kama-damb...
12/08/2026

📢 **OGEYSIIS MUHIIM AH**

Xafiiska Imtixaanaadka Jaamacaddu wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa natiijada imtixaanka kama-dambeysta ah ee Semester-ka 2aad, sannad-waxbarasheedka 2025–2026.

📱 Ardaydu waxay natiijadooda kala soo degi karaan Imam Shafii Portal:

🔹 Play Store:[https://play.google.com/store/apps/details?id=com.syd.imamShafiPortal](https://play.google.com/store/apps/details?id=com.syd.imamShafiPortal)

🔹App Store:[https://apps.apple.com/pw/app/imam-shafii-portal/id6743383516](https://apps.apple.com/pw/app/imam-shafii-portal/id6743383516)

🎓 Natiijadaada hubi, kuna dadaal horumar joogto ah.

🌿 Nasiib wacan dhammaan ardayda, Insha Allah!

07/08/2026
Guddoomiyaha Jaamacadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Godey, caasimadda gobolka Shabeelle, ...
05/08/2026

Guddoomiyaha Jaamacadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Godey, caasimadda gobolka Shabeelle, kaddib safar ay kaga yimaadeen magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta deegaanka, maamulka Jaamacadda, iyo qaar ka mid ah ardayda wax ka barata xarunta Godey.

Socdaalka wafdiga ayaa la xiriira ka qeybgalka Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 1-aad ee Jaamacadda, oo berri si rasmi ah uga dhici doonta magaalada Godey, iyadoo ay kasoo qeyb geli doonaan madax, marti sharaf iyo bulshada deegaanka.

Address

Gaalkacyo/Galmudug
Gaalkacyo
25261

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Imam Shafi’i University -Galkacyo Compus posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share