Business and managment Student's union EAU Galkacyo

Business and managment Student's union EAU Galkacyo Ciwaanka rasmiga ah ee ururka ardayda kuliyada maamulka iyo ganacsiga JBA : Galkacyo.

Munaasabad casho-sharaf ah oo lagu maamuusay xulka kubadda cagta ee Kulliyadda Business and managment ee Jaamacadda Bari...
01/05/2026

Munaasabad casho-sharaf ah oo lagu maamuusay xulka kubadda cagta ee Kulliyadda Business and managment ee Jaamacadda Bariga Afrika-Galkacyo

Munaasabaddan waxaa soo qaban qaabiyay gudoonka kulliyadda, oo uu hogaaminayo gudoomiye AHMED ABDULAHI FAARAH iyo ku-xigeentiisa Takar , kuwaas oo ku bogaadiyay xulka dadaalkooda, kartidooda, iyo guulaha ay gaareen, iyagoo sidoo kale u balan qaaday taageero joogto ah si loo sii xoojiyo horumarka kooxda ee kubada cagta.

Munaasabaddu waxay ahayd mid muujinaysay dhiirrigelinta iyo garab istaagga maamulka kulliyadda ee horumarinta ciyaaraha iyo tayeynta iskaashiga iyo is dhex galka ardayda.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ ๐ฐ๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š
๐…๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฅ ๐…๐š๐ซ๐ฑ๐š๐š๐ง ๐—๐š๐ซ๐›๐ข ๐Š๐š๐ฒ๐ง๐š๐š๐ง (๐‘†๐ด๐ด๐‘…-๐‘†๐ด๐ด๐‘…๐ธ)

Guddoonka Kulliyadda oo uu hoggaaminayo Deen ka Kulliyadda Ustaad Omer Abdihakim    iyo Guddoomiyaha Kulliyadda AHMED AB...
30/04/2026

Guddoonka Kulliyadda oo uu hoggaaminayo Deen ka Kulliyadda Ustaad Omer Abdihakim iyo Guddoomiyaha Kulliyadda AHMED ABDULAHI FAARAH ayaa soo qaban qabiyey tababar muhiim ah oo ku saabsan ka hadalka, kaas oo loo qabtay ardayda kulliyadda .

Tababarkan waxaa soo jeediyay Ustaad Saed M. Hassan oo ah qabiir khibrad dheer u leh horumarinta xirfadaha hadalka, hoggaaminta, iyo isgaarsiinta wax-ku-oolka ah.
Sidoo kale maamulka jamacada East Africa University - Galkacyo Campus ayaa kaalin mug leh ka qaatay qabashada tababarkan.

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in ardayda lagu xoojiyo awoodda ay si hufan, kalsooni leh, uguna hadlaan fagaarayaasha kala duwan, taasoo muhiim u ah horumarkooda waxbarasho iyo mustaqbalkooda shaqo.

Guddoonka Kulliyadda waxaa mar walba ka goโ€™an horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda, iyagoo si joogto ah u qabanaya barnaamijyo wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya tayada waxbarashada ardayda

๐‘ด๐’‚๐’…๐’‚๐’™๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’“๐’‡๐’‚๐’‚๐’‡๐’Š๐’๐’•๐’‚
๐…๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฅ ๐…๐š๐ซ๐ฑ๐š๐š๐ง ๐—๐š๐ซ๐›๐ข ๐Š๐š๐ฒ๐ง๐š๐š๐ง (SAAR-SAARE)

28/04/2026
24/04/2026

Guddoomiyaha Naadiga Cilmi-baarista ENG Kheyre Ahmed Abdulkadir ayaa si rasmi ah u magacaabay xubnaha cusub ee naadiga kadib markii uu qiimeeyay khibradooda, kartidooda, iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin hoggaaminta ardayda.
Xubnahan cusub ayaa door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta cilmi-baarista, dhiirrigelinta hal-abuurka, iyo kor u qaadidda aqoonta ardayda. Sidoo kale waxay gacan ka geysan doonaan abaabulka barnaamijyo waxbarasho iyo cilmiyeed oo kor u qaadaya tayada aqoonta ee ardayda.
Guddoomiye Kheyre Ahmed ayaa xubnahan u rajeeyay guul iyo waxqabad muuqda, isaga oo ku booriyay inay si daacadnimo, wadajir, iyo dadaal leh u gutaan waajibaadkooda.
Waxaa la filayaa in hoggaankan cusub uu keeno isbeddel muuqda oo horseeda horumar iyo firfircooni cusub oo ku saabsan howlaha Naadiga Cilmi-baarista.

24/04/2026
Jaamacadda Bariga Afrika โ€“ faraceeda Gaalkacyo ayaa qabatay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna maamuusay x...
30/03/2026

Jaamacadda Bariga Afrika โ€“ faraceeda Gaalkacyo ayaa qabatay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna maamuusay xulka kubadda cagta kulliyadda Business and managment Student's union EAU Galkacyo oo ku guulaystay koobka isdhexgalka ardayda.

Munaasabadda oo ay ka soo qayb galeen maamulka jaamacadda, xukumada ardayda business and managment iyo marti sharaf kale, ayaa si weyn loogu bogaadiyey guusha xulka business and managment , iyadoo la xusay midnimada, dadaalka joogtada ah, iyo anshaxa wanaagsan ee ay muujiyeen ciyaartoydu.

Guddoomiyaha kulliyadda Business and Management, AHMED ABDULAHI FAARAH ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey xulka kulliyaddiisa, isagoo bogaadiyey dadaalka, kartida, iyo heerka ciyaareed ee sare ay soo bandhigeen.
- Wuxuu sidoo kale xusay in saddexdii sano ee uu tartanku socday ay kulliyaddu laba jeer ku guulaysatay koobka, halka hal marna ay gaareen final-ka, taasoo muujinaysa joogteynta guusha iyo dadaalka xulka.

Ugu dambayn, ciyaartoyda waxaa la guddoonsiiyey abaalmarino iyo shahaadooyin, iyadoo guushan ay noqotay mid dhiirrigelin u ah ardayda lagana abaaal mariyey dadaalkooda .

๐Ÿ† ๐Ÿ†

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š
๐—™๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—น ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ซ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ถ ๐—ž๐—ฎ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป (๐’๐€๐€๐‘-๐’๐€๐€๐‘๐„ )

๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž: ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐…๐š๐ซ๐š๐ก (๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š)โ€‹๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฌ๐จ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง: ๐๐š๐ฃ๐š๐ฑ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐’๐š๐ฅ๐š๐š๐ ( ๐“๐š๐ค๐š๐ซ ) waxay hambalyo iyo b...
19/03/2026

๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž: ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐š๐ก๐ข ๐…๐š๐ซ๐š๐ก (๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š)
โ€‹๐ข๐ฒ๐จ
๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฌ๐จ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง: ๐๐š๐ฃ๐š๐ฑ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐’๐š๐ฅ๐š๐š๐ ( ๐“๐š๐ค๐š๐ซ )
waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan bulshada, gaar ahaan bahda ay hoggaamiyaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga ๐ŸŽ‰
Ilaahay ha inaga aqbalo cibaadadii bisha barakaysan ee Ramadaan, hana inagu galado farxad, caafimaad, nabad iyo barwaaqo๐Ÿ’ซ
ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„ุŒ ูˆูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ ุจู…ู†ุงุณุจุฉ ุนูŠุฏ ุงู„ูุทุฑ ุงู„ู…ุจุงุฑูƒ. dhammaantiin.๐Ÿ’ซ

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š :๐…๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฅ ๐…๐š๐ซ๐ฑ๐š๐š๐ง ๐—๐š๐ซ๐›๐ข ๐Š๐š๐ฒ๐ง๐š๐š๐ง(๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ-๐—ฆ๐—”๐—”๐—ฅ๐—˜)

Guul inshallah Business and managment , Guushu waa dhankeena ilaahay idankiis ๐Ÿ”ฅโค๏ธ
19/03/2026

Guul inshallah Business and managment , Guushu waa dhankeena ilaahay idankiis ๐Ÿ”ฅ
โค๏ธ

FINALKA KOOBKA ISโ€‘DHEXGALKA KULLIYADAHA JBA!
Caawa waa habeenka goโ€™aanka.
๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ง๐ž๐ฌ๐ฌ & ๐Œ๐š๐ง๐š๐ ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ซ๐ž๐š & ๐‹๐š๐ฐ
ayaa ku dagaallamaya sharaf, karti iyo koobka sanadka.

๐Ÿ“… 19 March 2026 โ€” โฐ 7:30 PM
๐Ÿ“ Place To Be
Ka soo qaybgal oo taageer kuliyaddaada!

Guddoomiyaha Kulliyadda Business and Management, Axmed  Cabdulahi Farax (๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š) , ayaa macalin Yuusuf Shariif Maxamed...
05/03/2026

Guddoomiyaha Kulliyadda Business and Management, Axmed Cabdulahi Farax (๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š) , ayaa macalin Yuusuf Shariif Maxamed (๐’๐ก๐ข๐๐จ) u magacaabay tababaraha xulka kubadda cagta ee kuliyadda Business and managment

Magacaabistan ayaa looga gol leeyahay in lagu horumariyo ciyaaraha kulliyadda iyo in ardaydu helaan hoggaan iyo tababar wanaagsan.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š :๐…๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฅ ๐…๐š๐ซ๐ฑ๐š๐š๐ง ๐—๐š๐ซ๐›๐ข ๐Š๐š๐ฒ๐ง๐š๐š๐ง (๐’๐€๐€๐‘-๐’๐€๐€๐‘๐„)

Guddoonka Ardayda ee Kuliyadda Business & Management .โ€‹Bismillaahi Raxmaani Raxiim,โ€‹Anigoo ku hadlaya magacayga, kan gud...
18/02/2026

Guddoonka Ardayda ee Kuliyadda Business & Management .

โ€‹Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
โ€‹Anigoo ku hadlaya magacayga, kan guddiga ardayda, iyo dhammaan bahda Kuliyadda Business and Management ee Jaamacadda East Africa GALKACYO .

waxaan hambalyo diiran u dirayaa:
โ€ข โ€‹Maamulka iyo macalimiinta sare ee Jaamacadda East Africa.
โ€ข โ€‹dhamaan Ardayda jamacada bariga africa
โ€ข โ€‹Dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka.

.ุฑู…ุถุงู† ู…ุจุงุฑูƒ ุนู„ูŠูƒู… ุงู„ุดู‡ุฑ ุงู„ูƒุฑูŠู…ุŒ ูˆุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„."

โ€‹Ramadaanku maaha oo kaliya bil cibaado, balse waa bil ina baraysa Maamulka Nafta (Self-Management), samirka, iyo naxariista. Waa fursad aan dib u eegis ugu sameyn lahayn hadaf yadeena nolosha iyo kuwa aakhiraba.

โ€‹Waxaan Eebbe nooga baryayaa inuu naga aqbalo soomka iyo salaadda, uuna na waafajiyo khayraadka bishan dhexdeeda ku jira. Aamiin yaa rabi .
โ€‹Ramadaan Kariim, Dhammaantiin.

โ€‹

Address

Garsoor
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Business and managment Student's union EAU Galkacyo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share