28/06/2026
Hambalyo iyo Bogaadin Hoggaanka Cusub ee Ardayda Jaamacadda GU๐
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma, Mudane Shariif Abdi Salan Cali , ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray hoggaanka cusub ee loo doortay matalaadda ardayda Jaamacadda Galkacyo University
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa:
Guddoomiyaha: Mudane Xasan Axmed Maxamed
Guddoomiye Ku-xigeenka: Ridwaan Xuseen Axmed
Xoghayaha: Cabdiraxmaan Cisman Daahir
Gudoomiyaha oo munaasabada qudbad kajeediyey wuxuu ku bogaadiyay ardayda Jaamacadda gu nidaamka dimuqraadiyadeed ee ay sanad walba ugu doortaan hoggaan cusub, isagoo sheegay in doorashadu tahay astaan muujineysa midnimo, masuuliyad iyo horumar.
Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan ardayda inay si dhow ula shaqeeyaan hoggaanka ay doorteen, si wadajir loogu gaaro horumar iyo adeeg wanaagsan oo ay wada helaan dhammaan ardayda.
Dhanka kale, wuxuu kula dardaarmay hoggaanka cusub inay gutaan waajibaadka loo igmaday, kuna shaqeeyaan daacadnimo, hufnaan iyo cadaalad
Hambalyo mar kale hoggaanka cusub, waxaan idiin rajeynaynaa guul iyo waxqabad wanaagsan. ๐