17/02/2024
SHEEKO YAR OO XIGMAD LEH
Macalinka inoo dhiga xiisada xisaabta ayaa inagu yiri soo dhaqsada bari waxan leenahay cashar muhiim inoo ah, kaas oo xalin doona nafteena ma ahan xisaabta iyo casharada aan ku qaadano fasalka waa mid ka baxsan,...
Inagu in kastoo aan jecleen xisadiisa waxan eheen kuwa u soo dag daga muhiimka uu sheegaayo macalinka, waayo wali k**a aan maqal cashar muhiim u ah nafteena marka laga yimaado kan uu bixiyo,Ama lagu bixiyo xiisadaha,...
Waa la gaaray maalinkii hasa ahaatee inagu waxaan eheen kuwo u soo dag daga faslka qeybtiisa h**e, si aan ugu dhageysano waxa uu ino sheegaayo macalinka maalinkas...
Macalinki waxa uu inoo qeybiyay warqado maran ama eber ah sidaa u taqaano waxa uuna yiri qof kastaahi haku qoro magaciiisa oo sadaxan waxadna haysataan 5 daqiiqo,...
Qofkasta oo inaga mid ah waxa uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku qoray magaciisa oo sadaxan waana uu dhiibay kadib,...
Macalinkii warqadihii ayuu isku dhax qasay melna ku shibay kadibna yiri,
Qof kasta haka soo dhax saaro magaciisa waxdana haysataan 3 daqiiqo,...
Inaga oo is riix riixeyna mid kastaahina raadinaayo magaciisa ayuuba waqtigii inagu dhacay, walina aan helin, Balse qof kastaahi uu haayo magac kale,..
Macalinkii ayaa yiri hadaba joojiya oo fadhiista qof kastana warqada uu haayo haku wareejiyo qofka iska leh, macnaha magac ku qoran qofka leh,..
Sidii aan sameynay, Inaga oo ina dhamaaday dhididkii, misana is weydiineyno macalinku muxu kala jedaa arintaa,....
Ugu danbeyn macalinkii ayaa yiri wxan rabay in aan idin barao labo shay kaas oo ah sida tan,..
1:Dulqadka waxa uu yahay ??
2:iyo farxada halka laga helo??
Dulqaadka ayaa barateen maanta waayo midkiinba wuxuu ahmiyad siiyay midka kale asigoo eegaya magaciisa,..
Qof kastaahi waxa uu raadiyaa farxad mana yaqaano meesha ay ka jirto farxada sida aad u wayseen magacyadiina oo kale
Farxadeena waxa ay ku jirtaa qofkle farxadiisa sida gacanta aan ugu dhinay qofkale magaciisa oo kale,.intii aan raadineenay magaceena,..