23/09/2025
“Lab-bilkeedsha, laaskii hiddaha, laacday kelidaaye,
Han-libaaxley, ruuxaad ladhaa gaadhe laxahaase,
Kun-lihiinley, jiilaal lin-tiri, kaama jaro laane,
Laqwi-diida, weedhii lafjaba, liiday dhihideede,
Qalbi-laaqa, luunkii kalgacal laaste hilibkayga.
Igu laashay laaggii tabciyo loolli haliseede
Isku looxday liilkii qalbiga, laaxin-tirihiiye
Igu loohnid, jeeraad laftiyo, raacday ludihiiye,
Lulo diiday, jeeray libdhadu leebab ridataaye,
Lib ma sheegto jeeraan laggiyo seexdo labacaaga.”
Weedhsame