18/01/2023
Xiliyada laga nasto shaqooyinka ayey nin iyo xaaskiisa habeenada qaarkood maqaayadaha u casho tegi jireen.
Habeen habeenada ka mid ah isagoo ninka isu diyaariyey in xaaskiisa uu kaxeeyo ayaa waxaa dhacday in marwadii ay ku tiri gacaliyaheeda waxaan kaa codsanayaa halkii aan anigu ku raaci lahaa in aad casuunto oo aad kaxeyso la soo casheyso waqtina la soo qaadato hooyadaa.
Ninki ayaa jiriricooday wuxuuna ku yiri: "Allaha ku barakeeyo hana ku abaalmariyo marwadeydii sharafta badneyd."waa runtaa inta ugu badan shaqada,adiga iyo caruurta ayaan ku mashquulay, dabeedna wuxuu durbadiiba wacay Hooyadii. Wuxuuna u sheegay inuu soo marayo wada lugeynayaan, soona wada cunteynayaan.
Hooyadii ayaa rumeysan weyday in wiilkeeda oo inta badan ayan waqti isku helin in ay afkiisa ka maqasho kelmadahaa qiimaha badan waxaana Hooyada ka buuxsamay farxad.
Wuu soo maray, way wada lugeeyeen, cunto soo wada cuneen,hase yeeshee hooyadu iyadu ma daneynayn goobta ay tagtay iyo cuntada, waxaana ugu muhiimsanaa waa in wiilkeeda uu naxariis iyo ihtimaam u muujiyay dhinaceeda, uusana hilmaamin, inuusan dayacin hooyadii xitaa isagoo mashquul ku ah shaqo, xaaskiisa iyo caruurtiisa. Waxay la qaadatay waqti wanaagsan taasoo uga dhigneyd maalin ka mid ah kuwa ugu farxada badan nolosheeda.
Markii ay soo noqdeen ayuu weydiiyay hooyadii in ay faraxsan tahay. Waxay tiri haa wiilkeygiyow Alle ayaan ku dhaartee aad baan kuugu faraxsanahay adiga iyo reerkaagaba.
Wuxuu ugu jawaabay, "In Sha Allaah waqti kale ayaan sidan oo kale sameynayaa."
Waxay tiri, "Maya hooyo, casuumada xigta aniga ayay iga imanaysaa In Sha Allaah ." Wuuna ku waafaqay.
Todobaadyo iyo Bilo ayaa ka soo gudbay, waxaana dhacday in Hooyadii ay xanuunsatay, ka dibna ay geeriyootay Allaha u naxariisto iyadoo uu aad uga murugooday geerida hooyadii.
Maalmo ka dib ayaa waxaa dhacday in Maqaayadii ay wada tegi jireen hooyadii xiligii ay noolayd ayaa maamulkeedu uu soo wacay waxaana loo sheegay in casuumaad ay u taal isaga iyo xaaskiisa,