19/04/2026
Farriinta Bulshada ee Xafiiska Guddoomiyaha Jaamacadda OGF.
Jaamacadda OGF waxa sharaf u ah inay u aasaasantahay jaamacadda kaliya ee gaarka loo leeyahay ee Somaliland, ee hiigsanaysa in ay isku xidho waxbarashada sare iyo suuqa shaqada, iyadoo si gaar ah diiradda u saaraysa Sayniska, Teknolojiyadda, Injineerinka, iyo Xisaabta (STEM).
Himiladayadu waa in aan noqono xarun hormuud u ah tacliin tayo leh, hal-abuur, iyo waxbarasho ku salaysan xirfad dhab ah oo si toos ah uga jawaabta baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.
Waxa naga go’an in aan bixino waxbarasho tayo sare leh oo aan ku koobnayn aragti oo keliya, balse ardayda siinaysa xirfado lagu shaqaysto, fikir hal-abuur leh, iyo awood ay ku wajahaan caqabadaha nolosha eedhabta ah.
Iyadoo la adeegsanayo iskaashi xooggan oo aanu la la yeesho jaamacdo caalami ah, warshadaha, casriyeynta manhajka, iyo habab waxbarasho oo casri ah, Jaamacadda OGF waxay diyaarisay jawi waxbarasho oo firfircoon oo hal-abuurku ku kobcayo, aqoontuna ay u noqonayso mid wax ka bedesha bulshada.
Waxaan aaminsanahay in mustaqbalka Somaliland uu ku xidhanyahay jiil aqoon leh, xirfad teknooloji leh, isla markaana awood u leh tartan caalami ah.
Sidaas darteed, diiradda STEM waxay udub dhexaad u tahay himiladayada horumarinta qaranka, koboca dhaqaalaha, iyo horumar waara.
Jaamacadda OGF ma aha oo keliya meel wax lagu barto—waa meel lagu kobciyo hoggaamiyeyaal, hal-abuurayaal, iyo dad wax ka beddela mustaqbalka dalka iyo caalamkaba.
Prof. Dr. Mohamed O. Osman Guudle
Gudoomiyaha Jaamacadda OGF
Hargeysa, Somaliland
# # # # #
Message from the Office of the President, OGF University:
OGF University proudly stands as the only private university in Somaliland aspiring to bridge higher education with industry, with a strong and strategic focus on Science, Technology, Engineering, and Mathematics (STEM).
Our vision is to become a leading center of academic excellence, innovation, and practical learning that directly responds to the needs of society and the labor market. We are committed to delivering high-quality education that goes beyond theory—equipping students with hands-on skills, critical thinking abilities, and entrepreneurial mindsets that prepare them for real-world challenges.
Through strong collaboration with industry partners, continuous curriculum development, and a commitment to modern teaching methods, OGF University is building a dynamic learning environment where innovation thrives and knowledge is transformed into impact.
We believe that the future of Somaliland depends on a generation that is well-educated, technologically skilled, and globally competitive. Therefore, our focus on STEM education is central to our mission of contributing to national development, economic growth, and sustainable progress.
At OGF University, we are not only educating students—we are empowering leaders, innovators, and change-makers who will shape the future of our nation and beyond.
Prof. Dr. Mohamed O. Osman Guudle
President, OGF University
Hargeisa, Somaliland
www.ogf.university
Osman Guelleh Farah University (OGFU) – Accredited HEI in Hargeisa, part of , Somaliland’s No.1 Private University bridging higher education & industry | Partnered with Haramaya University, Ethiopia. www.ogf.university