14/05/2026
Maamulka iyo macallimiinta akadeemiyadda Al-Ikram waxa ay u mahadcelinayaan qaar ka mid ah ardayda ka qalin baddalatay koorsada luqadda Ingriisiga, kuwaasoo ugu deeqay akadeemiyadda labo sameecadood oo ay ugu tala galeen in ay isticmaalaan ardayda ka dambaysa iyaga.
Waxay sidoo kale ku booriyeen ardayda in ay badiyaan ku hadalka luqadda maadaama ay luqadda barashadeeda ku xiran tahay in lagu hadlo.