24/09/2026
Khaalid Axmed Bishaar oo ka mid ah ardaydayda dhammeysatay course-ga barashada aas aaska Computer-ka, ayaa si geesinimo iyo kalsooni leh u soo bandhigay aqoonta uu bartay, isagoo mid-mid u furfuray System-ka, kadibna si faahfaahsan u sharaxay qayb kasta iyo shaqada ay qabato.
Bandhiggiisu wuxuu muujiyay dadaal, faham iyo karti uu ku dabaqayo aqoonta uu bartay.
Hambalyo Khaalid! Guul iyo horumar ayaan kuu rajaynaynaa.