28/09/2026
Jaamacadda Kismaayo waxaa lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee Semesterka 1aad ee Faculty of Computer Studies & Engineering.
Sidoo kale, waxaa dhacay xil kala wareejinta Guddoomiyaha Kulliyadda IT, iyadoo Aden Iise Ali uu xilka ku wareejiyay Aaden Gulled Ibrahim.
Munaasabadda waxaa goob-joog ahaa Guddoomiyaha Midowga Ardayda, Nimcaan Weli Ali, iyo Deanka Kulliyadda, Ustaad Mohamed Saqaawe.
Waxaan si diirran u soo dhaweynaynaa ardayda cusub, waxaana u rajaynaynaa guul, dadaal iyo horumar waxbarasho. Guddoomiyaha cusubna waxaan u rajaynaynaa guul iyo masuuliyad wanaagsan. 🎓💻
Hambalyo dhammaantiin! 🤝