AU legal Aid center

AU legal Aid center Justice for All | Free Legal Aid | Legal Awareness.

01/09/2026

Ku soo dhowaada Alpha Legal Aid Office – xafiis u taagan caddaaladda, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo helitaanka adeeg sharci oo loo siman yahay.

Alpha Legal Aid Office waa xafiis ka shaqeeya sidii bulshada, gaar ahaan dadka nugul iyo kuwa aan awoodin kharashka adeegyada qareennada, loogu fududeyn lahaa helitaanka talo sharci, wacyigelin, iyo caawimaad sharci.

Xafiisku wuxuu sidoo kale door muhiim ah ka qaataa wacyigelinta bulshada, fahamka sharciga, cilmi-baarista sharciga, iyo horumarinta xirfadaha ardayda Kulliyadda Sharciga, si loo dhiso jiil aqoon sharci leh oo u adeega bulshada iyo caddaaladda.

Hadafkeenna

In qof kasta, iyadoon loo eegin xaaladdiisa dhaqaale ama bulsho, uu helo fursad uu ku fahmo xuquuqdiisa, waajibaadkiisa iyo waddooyinka sharciga ah ee uu ku heli karo caddaalad.

Waxaan Ku Soo Dhaweynaynaa

Dhammaan bulshada, ardayda sharciga, qareennada, hay’adaha dowladda, ururrada bulshada iyo dhammaan daneeyayaasha ka shaqeeya caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Alpha Legal Aid Office – Caddaalad, Xuquuq iyo Adeeg Sharci oo Bulshada u Furan.

Ku soo dhowaada Alpha Legal Aid Office.
Ku soo dhowaada goobta aqoonta, caddaaladda iyo adeegga bulshada.

01/09/2026
Nabadda iyo CaddaaladdaNabad iyo caddaalad waa laba arrimood oo si dhow isugu xiran. Bulsho aan caddaalad ka jirin, naba...
10/08/2026

Nabadda iyo Caddaaladda

Nabad iyo caddaalad waa laba arrimood oo si dhow isugu xiran. Bulsho aan caddaalad ka jirin, nabaddeeduna si fudud ayay u wiiqmi kartaa, maadaama dulmiga iyo sinaan la’aantu ay abuuri karaan khilaaf iyo colaad. Caddaaladdu waxay dadka siisaa kalsooni, iyadoo qof kasta loo xaqiijinayo in xuquuqdiisa la ilaaliyo, khilaafaadkana lagu xalliyo si sharci iyo sinaan ku dhisan.

Sidaas darteed, caddaaladdu waa saldhigga nabadda, nabadduna waa natiijada bulsho ku dhaqanta caddaalad iyo sharci. Marka la ixtiraamo xuquuqda dadka, la simo muwaadiniinta, lana helo hannaan cadaalad ah oo lagu xalliyo khilaafaadka, waxaa hubaal ah in la dhiso bulsho nabdoon, xasilloon oo isku kalsoon.

Ogaanshaha Sharcigu Waa Tallaabada Koowaad ee Helidda CaddaaladdaCaddaaladdu waxay saldhig u tahay jiritaanka bulsho nab...
31/07/2026

Ogaanshaha Sharcigu Waa Tallaabada Koowaad ee Helidda Caddaaladda

Caddaaladdu waxay saldhig u tahay jiritaanka bulsho nabad, horumar iyo wada noolaansho ku dhisan. Si kastaba ha ahaatee, caddaaladda si fudud looma heli karo haddii aan la aqoon xuquuqda iyo waajibaadka uu sharcigu qofka siinayo. Ogaanshaha sharcigu wuxuu qofka ka caawiyaa inuu fahmo waxa uu xaq u leeyahay, waxa laga rabo, iyo waddada saxda ah ee uu u marayo marka xuquuqdiisa lagu xadgudbo.

Bulshooyinka leh wacyiga sharci ee wanaagsan waxay awood u yeeshaan inay si nabad ah u xalliyaan khilaafaadka, uga hortagaan dulmiga, isla markaana sare u qaadaan isla xisaabtanka. Sidoo kale, aqoonta sharcigu waxay yareysaa ku tumashada xuquuqda dadka waxayna xoojisaa kalsoonida lagu qabo hay'adaha caddaaladda.

Xusuusnow: Marka aad sharciga taqaan, waxaad si wanaagsan u ilaalin kartaa xuquuqdaada, uguna istaagi kartaa caddaaladda si kalsooni leh.

Booqasho Wacyigelin iyo Xoojinta Fahamka SharcigaMaanta waxaan booqanay Xanano Women Empowerment and Safe House Space, h...
19/07/2026

Booqasho Wacyigelin iyo Xoojinta Fahamka Sharciga

Maanta waxaan booqanay Xanano Women Empowerment and Safe House Space, halkaas oo aan ku qabannay kulan wacyigelin ah oo diiradda lagu saaray ka hortagga tacaddiyada iyo kor u qaadista fahamka sharciga.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wacyiga bulshada, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo kobcinta aqoonta sharciga si qof walba u ogaado xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa.

Waxaan si wadajir ah ugu baaqaynaa bulshada inay ka qayb qaataan dhisidda bulsho ka madax-bannaan tacaddiyada, kuna dhisan caddaalad, ixtiraam iyo is-garab istaag.

“Wacyigu waa furaha caddaaladda, caddaaladduna waa saldhigga nabadda.”

  MAXKAMADDA (COURT REGISTRAR) iyo   MAXKAMADDA (COURT CLERK): ::::::::;::;;;;;;::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::...
16/07/2026

MAXKAMADDA (COURT REGISTRAR) iyo MAXKAMADDA (COURT CLERK):
::::::::;::;;;;;;:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Waxay u muuqan karaan labada eray isku.mid Laakiin Waajibaadkoodu Ma Aha Mid Isku Mid Ah.
Dad badani markay soo galaan hoolka maxkamadda waxay u haystaan in qof kasta oo maxkamadda joogaa uu qabto shaqo isku mid ah. Lkn taasi waa fikir qaladan
Diwaan galiyaha maxaadu

waa sarkaalka ugu sarreeya ee maamulka, kaas oo ka mas'uul ah maamulka guud iyo isku-duwidda hawlaha maamul ee maxkamadda.
Diiwaangeliyuhu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa hubinta in geeddi-socodka maxkamaddu u socdo si habsirco leh. Qaar ka mid ah shaqooyinka Diiwaangeliyaha Maxkamadda waxaa ka mid ah:
✅ Maamulidda diiwaannada iyo faylalka maxkamadda.
✅ Kormeeridda xaraynta iyo hannaanka socodsiinta dukumentiyada maxkamadda.
✅ Hubinta jadwalka habboon iyo qorista liiska dacwadaha.
✅ Soo saarista dukumentiyada rasmiga ah ee maxkamadda marka loo idmado.
✅ Kormeeridda hawlaha shaqaalaha kale ee maamulka ee dhex dhex-yaalla maxkamadda.
✅ Ilaalinta hufnaanta iyo kaydinta habboon ee diiwaannada maxkamadda.
Diiwaangeliyaha waxaa badanaa loo tixgeliyaa inuu yahay lafdhabarta maamul ee nidaamka maxkamadeed dhexdiisa.

KAALYAHA MAXKAMADDU (COURT CLERK)?

waa sarkaal bixiya taageero araha maamulka ee maalinle ah inta lagu guda jiro dacwad-dhageysiga maxkamadda.
Kaaliyuhu wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Garsooraha ama Qaaddiga, wuxuuna ka caawiyaa hubinta in dhageysiga dacwaduhu u qabsoomaan si habboon.
Qaar ka mid ah waajibaadyada Kaaliyaha Maxkamadda waxaa ka mid ah:
✅ Dhawaaqista ama u yeerista dacwadaha marka ay maxkamaddu fadhido.
✅ Qorista waxyaabaha ka dhacaya dacwad-dhageysiga iyo haynta qoraallada maxkamadda.
✅ Maamulidda caddaymaha (agabka dambi-baarista) iyo hubinta in si habboon loo calaamadeeyo lana hayo.
✅ Caawinta dukumentiyada maxkamadda inta lagu guda jiro dacwad-dhageysiga.
✅ Maamulidda deegaanka hoolka maxkamadda iyo caawinta garsooraha inta dacwaddu socoto.
Alpha University Laascaanood

Shahaado qaybintii tababarka kor u qaadista wacyiga bulshada ee fahanka Sharciga iyo ka hortagga tacadiyada kaas oo uu f...
15/07/2026

Shahaado qaybintii tababarka kor u qaadista wacyiga bulshada ee fahanka Sharciga iyo ka hortagga tacadiyada kaas oo uu fuliyey xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha - AU legal Aid center .

Gudoomiyaha guddida caddaaladda baarlamaanka Waqooyibari Marwo Samiira Cabdirashiid Jaamac ayaa guddoonsiisay Shahaadooyinkii ka qaybgalayaasha tababarka.

~ Caddaalad tisqaadda.

14/07/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14 July 2026, ayaa si rasmi ah u xidhmay tababarkii socday labada maalmood ee 13–14 July 2026, kaas oo diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada, kor u qaadista fahamka sharciga, iyo ka hortagga tacaddiyada noocyadooda kala duwan.

Tababarkan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Legal Aid ayaa ujeeddadiisu ahayd in bulshada la siiyo aqoon ku saabsan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda sharci, sidii loo xoojin lahaa helitaanka caddaaladda, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka madax-bannaan tacaddiyada iyo xadgudubyada.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii, iyo daneeyayaashii ka qayb qaatay hirgelinta iyo guusha tababarkan. Waxaan rajaynaynaa in aqoonta iyo waayo-aragnimada laga kororsaday ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto dhismaha bulsho caddaalad iyo wadajir ku dhisan.



14/07/2026

Xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha - AU legal Aid center iyo tababarkii KOR U QAADISTA WACYIGA BULSHADA, FAHAMKA SHARCIGA IYO KA HORTAGGA TACADIYADA.

Xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha - AU legal Aid center  - ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13 July 2026 q...
13/07/2026

Xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha - AU legal Aid center - ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13 July 2026 qabtay tababar heerkiisu sarreeyo oo ciwaan looga dhigay " Tababarka kor u qaadista wacyiga bulshada, fahamka Sharciga iyo ka hortagga tacadiyada " kaas oo ay kasoo qayb galeen Wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka Waqooyibari, Wasaaradda Caddaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka Waqooyibari, Booliska dawladda Waqooyibari, ururrada bulshada ee Kaalo, Xanaano Women Empowerment, Taakulo Organization, Milgo Network, Hiigsi Organization, Kaafi Organization, Laas Women organization, guddiyada waaxyaha Caasimadda, Ardayda kulliyadaha Qaanuunka iyo Social work-ga ee Jaamacadda Alpha, Macallimiin ka hawl gala dugsiyada caasimadda iyo u adeegeyaal caafimaad.

Tababarkan oo xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha daadihinayey waxaa bixinayey Garyaqaan Hoodo Yaasiin Cali, Garyaqaan Cabdikariin Axmed Cali (Maansaawi) iyo Garyaqaan Cabdirasaaq Maxamed Sugulle.

Xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha waxa uu bixiyaa adeeg sharci oo bilaash ah waxa uuna u dhidban yahay in dhammaan bulshadu wada hesho caddaalad; in qofkastaa xaqiisa hantiyo helana qareen metela Maxkamadaha hortooda siiyana talooyin sharci helo.

~ Yoolkayagu waa caddaaladda oo meel kasta gaadha.

Address

Laascnod
Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AU legal Aid center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share