28/06/2024
Kuliyada waxbarasho ee Maamulka Dawliga ah (Bachelor of Public Administration) waxay noqotay kuliyadaha caanka ah oo ay bartaan dadka raba inay u addeegaan bulshadooda, sida laamaha dowladda ee kala duwan.
Hawlaha shaqo ee kuliyadan waxbarasho ayaa isugu jira heer gobol iyo heer degmo.
Dadka qaata shahaadada bachelorka ah ee Maamulka Dawliga waxay ka shaqeeyaan xarumaha dawladda federaalka sida xafiisyada Ra’isul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Gaashaandhigga iwm iyo dadka qaar waxay doortaan inay u shaqeeyaan hay’adaha aan macaash doonka ahayn(NGOs) iyo meheradaha bixiya adeegyada dadweynaha(privet sector).
Sida la ogsoon yahay, maamulayaasha dawladdu waxay horumariyaan oo hirgeliyaan siyaasadda madaxda dowladda, iyaga oo matalaya muwaadiniinta. Hoggaamiyayaal badan oo bulsheed ayaa ah xirfadlayaasha maamulka dawliga ah sidaas awgeed waxaa suurta gasha inay horumariyaan bulshada.
Waxayna xoogga saaraan barnaamijyada daboolaya baahiyaha bulshada.
Kuliyadan Maamulka Dawliga ah waxaad ku baranaysaa:
Horumarinta iyo hirgelinta siyaasadda guud ee dawladda dhexe, gobolka, iyo dawladaha hoose.
Wax soo saarka ururada dadweynaha, iyo falanqaynta Maareynta Tayada Guud (TQM).
Haggaajinta isbeddellada hadda jira ee maareynta dadweynaha oo u nugul caqabadaha.
Nugaal University