05/08/2026
🎓 HAMBALYO ARDAYDA COMPUTER SCIENCE – FINAL PROJECT DEFENCE 🎉
Guddoomiyaha Guud ee Midowga Ardayda Kulliyadda Computer Science wuxuu hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan ardayda si guul leh u soo dhammaysatay difaaca mashruucyadooda qalin-jabinta (Final Project Defence) oo qabsoomay 4 Agoosto 2026.
Guushani waa mid ka tarjumaysa dadaalkii, adkaysigii, iyo kartidii aad muujiseen muddadii aad ku jirteen waxbarashadiinna. Waxay sidoo kale astaan u tahay bilowga marxalad cusub oo idin horseedi doonta fursado iyo guulo waaweyn, Insha’Allah.
Waxaan idin rajaynayaa mustaqbal ifaya, horumar joogto ah, iyo inaad noqotaan aqoonyahanno dalkooda iyo bulshadooda ugu adeegaya daacadnimo iyo hufnaan.
Mar labaad, hambalyo dhammaantiin. Waxaan idiin rajaynayaa guul aan dhammaad lahayn, Alle ha idin waafajiyo himilooyinkiinna, hana idiin barakeeyo aqoontiinna.
Guddoomiyaha Guud
Midowga Ardayda Kulliyadda Computer Science
Nugaal University