12/10/2022
Hambalyo Hambalyo Hambalyo,
Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed waxa aan leeyahay Hambalyo.
Maanta waa 12ka bisha 10aad waana maalintii calanka Soomaaliyeed la sameeyey, waana maalin aan dad badan oo Soomaali ah u suntaneen.
Waddaniyadnnimadu ma ahan afka baarkiisa, aqoontuna ma ahan cilmiga goobaha waxbarashada lagu dhigo,
Laakiin intuba waxa ay yihiin u dhalasho iyo baadi goob.
Goobaha waxbarashada waa ay yartahay in lagu barto taariikhda ummadda Soomaaliyeed, taas macnaheeduna waxa weeye in aanan isku kalsooneen ama aanan is daneen innagu.
Soomaaliya markii dawladdii dhexe burburtay, waxaa la burburay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin: QABKII, WADDANIYADNNIMADII, TAARIIKHIHII IYO SOOMAALINNIMADII.
Hadda, waxaa la joogaa xilli qof sheeganaya in uu yahay PhD oo Soomaali ah uusan aqoon Dhaqanka, Hiddaha iyo Taariikhda ummadda uu isagu ka dhashay Kuna dhex dhashay!!!!!
Taasi, waa macna darrada iyo hoos u dhaca waxbarashada ummadda Soomaaliyeed, waayo Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa
" awrba awrka ka h**eeya saanqaadkiisa ayuu yeeshaa" oo aan ula jeedo, macallinkii wax barayey haddii uusan isagu aqoon ardaygu halkee ayuu ka keenayaa ama ka baranayaa.
Dadku waa in ay bartaan dhaqankooda, Hiddahooda iyo Taariikhdooda.
Taasi haddii ay dhacdo waxa aan ka guuleysan doonnaa is fahan darrida, aqoon yarida, faqriga iyo nidaam xumida.
Qore: Maxamed Cawil Xuseen