15/06/2025
GUDDOOMIYAHA GOLAHA BAARLAMANKA XUKUUMADDA ARDAYDA JAAMACADDA SIMAD OO KA QEYB GALAY XAFLADA FURITAANKA TODOBAADKA DHAQANKA JAAMACADDA
SIMAD - Main Campus, Juun 14, 2025 – Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD, Mudane Ayub Mohamed Abdi ayaa ka qeyb galay Xafladda Furitaanka Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIMAD, isagoo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Mohamed Abdirashiid Hassan, Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Abdullahi Hussein Muhidiin, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha guud ee jaamacadda Dr. Abdikarim Mohaidin Ahmed, ku-xigeenadiisa dhanka Waxbarashada, Maaliyadda, Hormarinta, iyo Arimaha Ardayada, si lamida Hormuudada Kulliyadaha Jaamacadda, abwaanno, aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda SIMAD waxa uu ka mid yahay dhacdooyinka sanadlaha ah ee Jaamacaddu u hibayso kor u qaadista dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta ardayda in ay si xor ah u muujiyaan hibadooda hal-abuurka, suugaanta, ciyaaraha dhaqanka, iyo farshaxanka.
Sanadkan, Toddobaadka Dhaqanka waxa uu lahaa muuqaal gaar ah, iyadoo lagusoo bandhigay dhaqamada kala duwan ee dadyowga qaaradda Afrika.
DHAMMAAD
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Baarlamanka XAJSi
Marwo Xamdi Saalax Xaaji
[email protected]
SIMAD-MAIN CAMPUS