Midowga Ardayda Jaamacadda Benaadir - Majab

Midowga Ardayda Jaamacadda Benaadir - Majab Majab: Amplifying voices, fostering unity. Join us for a brighter campus future

23/10/2025
Muqdisho 18 October 2025,Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir, mudane Abdiweli Omar Mohamed , ayaa si diiran ...
18/10/2025

Muqdisho 18 October 2025,

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir, mudane Abdiweli Omar Mohamed , ayaa si diiran u soo dhaweeyay ardayda cusub ee ku soo biirtay qoyska weyn ee Jaamacadda Benadir.

“Jaaamacadda Benadir ma ahan kaliya goob casharo lagu barto balse waa goob lagu dhiso maskaxda, akhlaaqda iyo hogaaminta sidoo Kalena lagu soo saaro jiil firfircoon waxna taraya dadkooda iyo dalkooda”.

Muqdisho, 12 October 2025,Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir, Mudane Abdiweli Omar Mohamed , ayaa ka qeyb g...
12/10/2025

Muqdisho, 12 October 2025,
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir, Mudane Abdiweli Omar Mohamed , ayaa ka qeyb galay Shirka La-tashiga Dhallinyarada ee ku saabsan NDCs & NAPs (Isbeddelka Cimilada iyo Qorshayaasha Qaranka ee La-qabsiga Cimilada), kaas oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Living Hope Foundation iyadoo kaashaneysa Jaamacadda Benadir, laguna qabtay Xarunta Prof. Adow.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Biday), waxaana lagu soo bandhigay doodo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ay door muuqda uga qaadan lahaayeen la-qabsiga iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada.

Madasha oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa kusoo dhammaatay si guul leh, iyadoo laga soo jeediyay talooyin lagu horumarinayo qorshayaasha qaranka ee la xiriira cimilada.

Muqdisho, 8 October 2025,Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benaadir mudane Abdiweli Omar Mohamed , ayaa ka qeybgal...
09/10/2025

Muqdisho, 8 October 2025,
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benaadir mudane Abdiweli Omar Mohamed , ayaa ka qeybgalay munaasabadda mahadcelinta isbitaallada ee ay ardayda Dufcadda 20aad ee Kuliyadda Caafimaadka iyo Qalliimada ku soo qaateen barnaamijka Clerkship-ka, taaso lagu qabtay xarunta Prof. Dr. Osman Aadan Cabdulle.

Guddoomiyaha, oo halkaas ka jeediyay khudbad kooban, ayaa u mahadceliyay dhammaan isbitaallada ka qeyb qaatay tababarka ardayda, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen in ardaydu helaan waayo-aragnimo caafimaad oo dhammaystiran, isla markaana wax-ku-ool u ah kobcinta xirfadooda iyo mustaqbalkooda shaqo.

Muqdisho, Oktoobar 6 2025, Midowga Ardayda Jaamacadda Benaadir, oo door muuqda ku leh dhiirrigelinta aqoonta iyo horumar...
06/10/2025

Muqdisho, Oktoobar 6 2025, Midowga Ardayda Jaamacadda Benaadir, oo door muuqda ku leh dhiirrigelinta aqoonta iyo horumarinta ardayda, ayaa hormuud ka ahaa qabanqaabada iyo martigelinta muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Ka Dhigista Waxbarashada Saameyn Qaran: Laga Bilaabo Fasalka ilaa Isbeddelka Qaranka.”

Muxaadaradan oo lagu qabtay Xarunta Prof. Dr. Cadoow ee Jaamacadda Benaadir, waxaa jeediyay Agaasimaha Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, mudane Jibril Afyare, waxaana si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Biday).

Intii ay socotay muxaadaradu, waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay doorka waxbarashadu ku leedahay isbeddelka, hal-abuurnimada iyo horumarinta dalka, iyadoo ardayda Jaamacadda Banaadir ay muujiyeen firfircooni iyo ka qaybgal wacyigelin leh.

Muxaadaradan waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Xafiiska Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Banaadir, Midowga Ardayda Jaamacadda Banaadir iyagoo kaashanaya Xafiiska Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya.

Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay Bandhigga Waxbarashada Kobac, kaas oo sanadkiisii ...
10/09/2025

Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay Bandhigga Waxbarashada Kobac, kaas oo sanadkiisii 7aad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Bandhiggan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa fursad weyn u ahaa isku xirka jaamacadaha, hay’adaha waxbarashada, iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya in ay helaan talo iyo hagitaan ku saabsan mustaqbalkooda waxbarasho iyo shaqo.

Mudadii uu socday bandhiggu, Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir wuxuu door muuqda ka qaatay soo dhoweynta iyo la falgalka ardayda dugsiyada sare ee ka soo qeyb galay, isagoo si qoto dheer uga warbixiyay fursadaha waxbarasho, kuliyadaha kala duwan iyo kaalinta ay jaamacaddu ka qaadato horumarinta aqoonta iyo hal-abuurka dhallinyarada.

Bandhiga oo socday laba maalin, Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir wuxuu muujiyay kaalin muuqata oo ku aaddan hogaaminta aqoonta iyo taageeridda mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed

Muqdisho, 31 Agoosto 2025Maanta waxaa si guul leh u qabsoomay shir ballaaran oo ay yeesheen Guddoomiyaha Midowga Ardayda...
31/08/2025

Muqdisho, 31 Agoosto 2025
Maanta waxaa si guul leh u qabsoomay shir ballaaran oo ay yeesheen Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir (MAJAB), Mudane Abdiweli Omar Mohamed, iyo Guddoomiyeyaasha Kulliyadaha Jaamacadda Benadir, kaas oo looga arrinsaday Dhismaha Hannaanka Maamul ee uu yeelan doono MAJAB.

Shirka waxaa lagu falanqeeyay:
✅ Dhismaha qaab-dhismeedka maamulka
✅ Doorka ardayda ee hoggaaminta iyo is-dhexgalka
✅ Qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee MAJAB

Kulankan wuxuu astaan u yahay bilow cusub oo mideynaya ardayda Jaamacadda Benadir, si loo helo maamul arday firfircoon oo u taagan horumarinta iyo midnimada ardayda.

Muqdisho, 25 Agoosto 2025Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir ayaa ka qeyb galay Shirka Latashiga Aqoon-yahannada iyo Shar...
25/08/2025

Muqdisho, 25 Agoosto 2025
Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir ayaa ka qeyb galay Shirka Latashiga Aqoon-yahannada iyo Sharciga ee ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka KMG ah (Cutubyada 10–15), kaas oo lagu qabtay Hotel Paradise, magaalada Muqdisho.

Wafdiga Midowga waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Ardayda, Mudane Abdiweli Omar Mohamed, oo ay weheliyaan ardayda wax ka barata Culuumta Siyaasadda iyo Culuumta Sharciga ee Jaamacadda Benadir.
Ardaydan aqoonta u leh arrimaha sharciga iyo siyaasadda waxay shirka kusoo bandhigeen aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo la xiriira dib-u-eegista Dastuurka, taas oo muujinaysa kaalinta muuqata ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka dalka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa aragti mideysan oo ku saabsan qodobbada muhiimka ah ee Dastuurka, si loo dhiso nidaam sharci iyo dastuuri oo waara.

DHAMMAAD
------------------------
Xafiiska MAJAB
Xarunta Prof. Dr. Cadoow
Jaamacadda Benadir
Muqdisho, Soomaaliya
[email protected]

Hambalyo Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed.Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan ardayda ku b...
24/08/2025

Hambalyo Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed.

Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan ardayda ku baastay Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad sanad-dugsiyeedka 2024–2025.

Guushan waa farxad idinka iyo waalidiintiinna aad wada gaarteen, astaanna u ah iftiin iyo rajo cusub.

Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir wuxuu diyaar u yahay inuu idinla garab istaago marxaladda xigta ee jaamacadda, si aad u sii xoojisaan aqoontiinna iyo himilooyinkiinna.

Muqdisho, Agoosto 23, 2025Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir, Mudane Abdiweli Omar Mohamed, ayaa kulan wada...
23/08/2025

Muqdisho, Agoosto 23, 2025
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir, Mudane Abdiweli Omar Mohamed, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda, kaas oo looga hadlayay dib u dhiska iyo horumarinta geedi-socodka Midowga Ardayda kaasoo la rajeynaayo in si deg deg ah u dhameeystirmo hanaanka maamul ee waaxyaha kala duwan ee midowga.

Kulankani wuxuu ahaa bilow muhiim ah, waxaana qorshuhu yahay in kulamo kale oo dheeraad ah lala yeesho Guddoonka iyo wakiillada kulliyadaha, si loo sii xoojiyo wada-tashiyada lagu mideynayo aragtiyaha horumarinaya Midowga.

Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir mar walba waxaa ka go’an dhisidda hoggaan mideeya codka ardayda iyo u adeegidda mustaqbalkooda.

DHAMMAAD
------------------------
Xafiiska MAJAB
Xarunta Prof. Dr. Cadoow
Jaamacadda Benadir
Muqdisho, Soomaaliya
[email protected]

Muqdisho, Agoosto 21, 2025Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir, Mudane Abdiweli Omar Mohamed, ayaa ka qeyb ga...
21/08/2025

Muqdisho, Agoosto 21, 2025
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir, Mudane Abdiweli Omar Mohamed, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025, oo lagu qabtay Hotel Jazeera, magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Deegaanka iyo UNICEF ayaa diiradda lagu saaray doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee hoggaaminta xalalka la xiriira isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka, iyada oo hal-ku-dhiggu ahaa:

“Codadka Mustaqbalka: Awood-siinta Dhalinyarada Soomaaliyeed si ay Hoggaan uga Noqdaan Xalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka.” 🌍🌱

Midowga Ardayda Jaamacadda Banaadir wuxuu mar walba diyaar u yahay inuu door muuqda ka qaato arrimaha bulshada, deegaanka, iyo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo si dhab ah u matalaya codka iyo hoggaanka ardayda.

DHAMMAAD.

Dhamaan ardayda Jaamacadda Benadir waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Gudoomiyaha cusub ee Midowga Ardayda Jaamaca...
20/08/2025

Dhamaan ardayda Jaamacadda Benadir waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Gudoomiyaha cusub ee Midowga Ardayda Jaamacadda Benadir Mudane, Abdiweli Omar Mohamed.

Waxaan kuu rajeyneynaa guul, hoggaan hufan, iyo in aad hirgelin doono fursado waxbarasho oo dheeraad ah, barnaamijyo dhiirrigeliya hal-abuurka iyo xirfadaha, tartamo tacliimeed iyo ciyaareed, kulamo aqooneed iyo madal doodaha ardayda, si loo abuuro jiil leh aragti ballaaran, xirfad iyo kalsooni mustaqbal oo aad u sareeysa.

Address

KM13 Shaafi Hospital Area
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 05:00
Tuesday 08:00 - 05:00
Wednesday 08:00 - 05:00
Thursday 08:00 - 05:00
Friday 08:00 - 05:00
Saturday 08:00 - 05:00
Sunday 08:00 - 05:00

Telephone

+252617434822

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Ardayda Jaamacadda Benaadir - Majab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Midowga Ardayda Jaamacadda Benaadir - Majab:

Share