23/07/2026
πΈ Sawirrada: π Xafladda Maamuuska Ardayda iyo Macallimiinta Qeybta Diyaarinta ππΈ Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS
Waxaa si sharaf iyo farxad leh loo qabtay Xafladda Maamuuska Ardaydii ku guuleysatay Kaalinta 1-aad iyo Kaalinta 2-aad ee Tartanka Aqooneedka Dugsiga Xalane β Qeybta Diyaarinta Carruurta (Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha).
Xafladda waxaa si maamuus leh uga soo qeybgalay qaar ka mid ah Maamulka Dugsiga Xalane, kuwaas oo bogaadiyey dadaalka ardayda iyo macallimiinta, isla markaana ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan horumarka iyo dadaalka ay muujiyeen.
Sidoo kale, waxaa la guddoonsiiyey Abaalmarinno iyo Shahaadooyin macallimiintii Qeybta Diyaarinta, kuwaas oo dadaal, juhdi, iyo hufnaan weyn geliyey horumarinta waxbarashada iyo tarbiyadda ardayda.
"Ardayga hela aas-aas waxbarasho oo sax ah, wuxuu durba gaaraa qayb weyn oo ka mid ah yoolkiisa waxbarasho."
Carruurteenna waa hoggaamiyeyaasha berri. Aan maanta ku dadaalno tayeynta waxbarashadooda, kobcinta kartidooda, iyo dhisidda akhlaaqdooda wanaagsan.
Waxaan hambalyo u direynaa dhammaan ardaydii iyo macallimiintii la maamuusay, waxaana Eebbe uga baryeynaa inuu u kordhiyo aqoon, guul, iyo barako.
Dugsiga Xalane β Waa Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaaliyeed. πβ¨