Mogadishu University جامعة مقديشو

Mogadishu University  جامعة مقديشو Mogadishu University is one of the leading higher education institutions in Somalia, dedicated to provide affordable and accessible high quality education.

27/04/2026
25/04/2026

Sheekada Faaduma Waryaa, safarkeeda Sacuudiga ilaa Soomaaliya iyo sida ay ku dooratay Jaamacadda Muqdisho.

Faaduma waxa ay kamid aheyd ardaydii Jaamacadda ka baxday sannadkii 2017, gaar ahaan takhasuska Saxaafadda iyo Siyaasadda.

Sheekadeeda oo dhammeystiran halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=Ziald3nUIW8

Xafiiska Arrimaha Ardayda Jaamacadda Muqdisho ayaa soo agaasimay kulan khibrad wadaag ah oo diiradda lagu saaray kor u q...
25/04/2026

Xafiiska Arrimaha Ardayda Jaamacadda Muqdisho ayaa soo agaasimay kulan khibrad wadaag ah oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda diyaar garowga iyo anshaxa ardayga jaamaciga ah.

Kulankan waxaa ka qeyb galay khubarro aqoon durugsan u leh arrimaha waxbarashada iyo horumarinta ardayda, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay fursadaha waxbarasho ee caalamiga ah, gaar ahaan deeqaha waxbarasho (scholarships) iyo hababka ugu habboon ee ardaygu isu diyaarin karo si uu uga faa’iidaysto.

Sidoo kale waxaa la iftiimiyay muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka tartamada aqooneed ee heerka caalami, kuwaas oo ardayda u horseedi kara kobcin xirfadeed, ballaarinta aqoonta, iyo helitaanka fursado cusub oo waxbarasho iyo shaqo.

Khubarrada waxay kala ahaayeen Shiikh Cabdi Xayi, Cabdullaahi Salaad Xuseen iyo Cabdullaahi Cali Dhuxulow.

Kulliyadda Culuumta Kumbiyuutarka iyo Tiknoolajiyadda Jaamacadda Muqdisho ayaa soo qabanqaabisay tartan cusub oo lagu ma...
25/04/2026

Kulliyadda Culuumta Kumbiyuutarka iyo Tiknoolajiyadda Jaamacadda Muqdisho ayaa soo qabanqaabisay tartan cusub oo lagu magacaabo TechX Challenge, kaas oo loogu talagalay ardayda dhigata qaybaha kala duwan ee kulliyadda.

Tartankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha teknoolajiyadda, hal-abuurka, iyo aqoonta ardayda.

Midowga Ardayda Jaamacadda Muqdisho-UMUS ayaa  soo agaasimay barnaamijka "DOODDA UMUS".Barnaamijkan oo uu ujeedkiisu yah...
23/04/2026

Midowga Ardayda Jaamacadda Muqdisho-UMUS ayaa soo agaasimay barnaamijka "DOODDA UMUS".

Barnaamijkan oo uu ujeedkiisu yahay in sare loo qaado fahamka ardayda ee dhanka doodaha iyo sidii ay isku dhex geli lahaayeen ardaydeennu ayaa loo qabtay ardayda dhigata kulliyadda Sharciga Iyo Qaanunka, waxaana doodda diiradda lagu saaray "Doorka ciqaabta ee dib u habeynta dembiilayaasha".

Doodda waxaa qeyb ka ahaa xubno kamid ah ardayda kulliyadda:

1. Zeynab Cabdiqani Maxamed
2. Cadnaan Cabdimahad Xuseyn.
3. Samjira Yuusuf Aadan
4. Usaama Cusmaqn Axmed

Waxaa doodda xiriirinayay, Bakar Maxamed Cumar.

Kulliyadda Beeraha iyo Culuumta Deegaanka ee Jaamacadda Muqdisho ayaa aqoon-kororsi muhiim ah u qabatay qaar ka mid ah a...
23/04/2026

Kulliyadda Beeraha iyo Culuumta Deegaanka ee Jaamacadda Muqdisho ayaa aqoon-kororsi muhiim ah u qabatay qaar ka mid ah ardaydeeda, kaas oo diiradda lagu saaray “Isticmaalka Badbaadsan iyo Waxtarka Sunta Beeraha si Beeruhu u Waaraan, Deegaankana Loo Ilaaliyo.”

Aqoon-kororsigan ayaa ujeedkiisu ahaa in ardayda lagu xoojiyo fahamka ku aaddan sida habboon ee loo isticmaalo sunta beeraha, si loo yareeyo saameynta taban ee ay ku yeelan karto caafimaadka bini’aadamka iyo deegaanka, isla markaana loo kordhiyo wax-soo-saarka beeraha ee waara.

Aqoon-kororsiga waxaa soo jeediyay Dr. Maxamed Cali Sheekh.

لا تفوت هذه الفرصة: دورة تدقيق المعلومات مع الصحفي محمد علي محروس
23/04/2026

لا تفوت هذه الفرصة: دورة تدقيق المعلومات مع الصحفي محمد علي محروس

Kulliyadda Culuumta Siyaasadda iyo Maamulka Guud ee Jaamacadda Muqdisho iyo Shabakadda ARIJ waxa ay ardayda saxaafadda dhigata ku casuumayaan tababar ku saabsan hubinta macluumaadka (Fact-Checking) oo hab online ah ku bixidoona Axad 26 April 2026, saacadda 07:00 - 09:00 fiidnimo. Qofkii daneynaya waxa uu ku soo biiri karaa whatsapp group kan hoose.
👇
https://chat.whatsapp.com/JOpIp6QVPm8Je9TsLDrs0E?mode=gi_t

كلية السياسة والإدارة العامة بجامعة مقديشو وشبكة ARIJ تدعوان طلاب الصحافة والإعلام لحضور دورة عبر الإنترنت حول "دليل أريج لتدريس تدقيق المعلومات (Fact-Checking)"، والتي ستعقد يوم الأحد 26 أبريل 2026، من الساعة 07:00 إلى 09:00 مساءً. يمكنكم الانضمام إلى مجموعة الواتساب من خلال الرابط أدناه.
👇
https://chat.whatsapp.com/JOpIp6QVPm8Je9TsLDrs0E?mode=gi_t

Our Vice president for Relations & Development, Mr. Mohamed Ali Omar, has participated in the Second IGAD Universities F...
23/04/2026

Our Vice president for Relations & Development, Mr. Mohamed Ali Omar, has participated in the Second IGAD Universities Forum, held in Juba, South Sudan, which convened universities from across the member states of the region.

The two-day forum focused on strengthening collaboration among IGAD higher education institutions to address shared academic challenges, revitalize higher education frameworks, and develop strategic plans for universities, among other priorities. Particular attention was given to expanding scholarship opportunities for vulnerable students, especially those from conflict-affected countries, including refugees.

Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cabaas Cumar ayaa tababar ku saabsan hababka  cilmibaarista iy...
22/04/2026

Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cabaas Cumar ayaa tababar ku saabsan hababka cilmibaarista iyo warbaahinta la wadaagay qaar kamid ah shaqaalaha warbaahinta qaranka.

Dr. Cabaas Cumar ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu ku shaqeyso xog cilmiyeed iyo xaqiiqooyin la hubo, si kor loogu qaado tayada xogaha la baahinayo.

22/04/2026

𝐎𝐠𝐞𝐲𝐬𝐢𝐢𝐬 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡:𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐡𝐢𝐛𝐫𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐡𝐮𝐛𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐭𝐢𝐝𝐚 .

Xafiiska Arimaha Ardayda ee Mogadishu University جامعة مقديشو waxa uu qabanayaa kulan khibrad wadaag ah maalinta Sabtida, 25-ka April, kaas oo diiradda lagu saari doono kor u qaadida diyaar garowga ardayga jaamaciga ah.

Kulankaan waxa uu muhiim u yahay dhammaan ardayda dhigato jaamacadda Mogadishu.

waxay khubarada kulanka si qotto dheer ula wadaagi doonaan ardayda xogaha la xariiro deeqaha waxbarashada ee caalamiga iyo sida uu ardaygu is kugu diyaarin karo ,fursadaha ay abuuri karto ka qaybgalka tartan aqooneedyada heerka caalami ah iyo xogo kaloo muhiim ah.

Goobta :Kambaska luuqadaha Jaamacadda (EX Alxikma-taleex .

Waqtiga: 4:00 oo galabnimo

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS iyo Jaamacadda Muqdisho oo maanta daahfuray tababar loo qabanayo shaq...
21/04/2026

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS iyo Jaamacadda Muqdisho oo maanta daahfuray tababar loo qabanayo shaqaalaha wasaaradda.

Tababarkan oo diiradda lagu saarayo cilmibaarista, hubinta saxnaanta wararka (fact-checking), iyo turjumaadda, ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadista tayada shaqo iyo xirfadaha shaqaalaha warbaahinta dowladda.

Wasiirka Wasaaradda mudane Daa'uud Aweys Jaamac iyo Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la helo shaqaale leh aqoon casri ah.

Tababarkan ayaa socon doona muddo todobaad ah, iyadoo ka qaybgalayaashu ay heli doonaan aqoon iyo xirfado la xiriira hababka casriga ah ee war uruurinta, xaqiijinta xogta, iyo turjumaadda luqadaha kala duwan

May 2026 intake for 𝐌𝐚𝐬𝐭𝐞𝐫'𝐬 𝐝𝐞𝐠𝐫𝐞𝐞𝐬 𝐚𝐧𝐝 𝐏𝐡𝐃𝐬 with different specializations in our MU Postgraduate Program and Research...
21/04/2026

May 2026 intake for 𝐌𝐚𝐬𝐭𝐞𝐫'𝐬 𝐝𝐞𝐠𝐫𝐞𝐞𝐬 𝐚𝐧𝐝 𝐏𝐡𝐃𝐬 with different specializations in our MU Postgraduate Program and Research in Partnership with 𝐀𝐬𝐢𝐚 𝐞 𝐔𝐧𝐢𝐯𝐞𝐫𝐬𝐢𝐭𝐲 𝐌𝐚𝐥𝐚𝐲𝐬𝐢𝐚 is now open for applications.
Don’t miss out! Apply now!

For more information you can contact:
https://wa.me/252614797998
https://wa.me/252615595292
https://wa.me/252612684236
📧 [email protected]
🌐 www.pg.mu.edu.so

Address

Administration Building, Near KM4, Hodan District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 15:00
Tuesday 08:00 - 15:00
Wednesday 08:00 - 15:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 08:00 - 15:00
Sunday 08:00 - 15:00

Telephone

+252-1-858118

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu University جامعة مقديشو posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Mogadishu University جامعة مقديشو:

Share