Jobkey University Online Center

Website

Jobkey University Online Center Distance Learning Center is Center which offers Diploma, Bachelor and Master Degree Courses.

๐‰๐Ž๐๐Š๐„๐˜ ๐”๐๐ˆ๐•๐„๐‘๐’๐ˆ๐“๐˜ | ๐†๐‘๐€๐ƒ๐”๐€๐“๐ˆ๐Ž๐ ๐‚๐Ž๐”๐๐“๐ƒ๐Ž๐–๐ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.Waxaa inoo bilaabmay usbuucii ugu dambeeyay ee loo diyaar-garoobayo munaas...
17/10/2026

๐‰๐Ž๐๐Š๐„๐˜ ๐”๐๐ˆ๐•๐„๐‘๐’๐ˆ๐“๐˜ | ๐†๐‘๐€๐ƒ๐”๐€๐“๐ˆ๐Ž๐ ๐‚๐Ž๐”๐๐“๐ƒ๐Ž๐–๐ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.
Waxaa inoo bilaabmay usbuucii ugu dambeeyay ee loo diyaar-garoobayo munaasabadda qalin-jabinta Dufcadda 11aad ๐—จ๐—ป๐—ฑ๐—ฒ๐—ฟ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚๐—ฎ๐˜๐—ฒ-๐—ธ๐—ฎ-ka iyo Dufcadda 4aad ๐—ฃ๐—ผ๐˜€๐˜๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚๐—ฎ๐˜๐—ฒ-๐—ธ๐—ฎ ee Jobkey University.
๐Ÿ“… 21 October 2026
โฐ 8:00 AM
๐Ÿ“ Royal Palace, Muqdisho
๐ŸŽ“๐€๐๐ข๐ ๐ฎ๐ง๐š ๐ฆ๐š ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐š๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง-๐ฃ๐š๐›๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š?



Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda ee Arrimaha Waxbarashada (Academic Director) ayaa shir-guddoomiyay kulanka bilaha ah e...
17/10/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda ee Arrimaha Waxbarashada (Academic Director) ayaa shir-guddoomiyay kulanka bilaha ah ee Xafiiska Waxbarashada (Academic Monthly Meeting), kaas oo lagu qabtay xarunta Rio Centre - Research. Innovation. Outreach

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tayada waxbarashada iyo dardargelinta hawlaha waxbarashada.

Waxaa si gaar ah looga wada hadlay soo dhaweynta ardayda cusub, taageerada ardaydii kale h**e u dhaganeesay iyo xoojinta adeegyada waxbarasho.

Sidoo kale, kulanku wuxuu fursad u abuuray madaxda iyo macalimiinta kala duwan ee jaamacadda inay iska xog-wareystaan, xoojiyaan wada-shaqaynta, isla markaana ka wada tashadaan hagaajinta maamulka iyo horumarinta tayada waxbaridda.

Jamacadda waxay sii xoojinaysaa dadaalladeeda ku aaddan bixinta waxbarasho tayo leh oo kobcisa aqoonta, xirfadaha iyo akhlaaqda ardayda.







Qaar ka mid ah Macallimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Jobkey ayaa ka qeyb galay tababar muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay ...
11/10/2026

Qaar ka mid ah Macallimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Jobkey ayaa ka qeyb galay tababar muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay ASAF, kaas oo ku saabsanaa โ€œEU-Funded Mobility Programmes for Stronger Higher Education in Somalia and Beyond.โ€

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha waxbarasho ee Midowga Yurub, iskaashiga jaamacadaha caalamka, iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda iyo macallimiinta.

Jaamacadda Jobkey waxay dhiirrigelinaysaa ka faaโ€™iidaysiga fursadaha waxbarasho iyo iskaashiga caalamiga.





OGEYSIIS MUHIIM AHJaamacadda Jobkey waxay dhammaan ardayda cusub ku wargelinaysaa in maalinta Khamiista, 8-da October 20...
07/10/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH

Jaamacadda Jobkey waxay dhammaan ardayda cusub ku wargelinaysaa in maalinta Khamiista, 8-da October 2026, la qaban doono Barnaamijka Orientation-ka Ardayda Cusub.

Ujeeddadu waa in ardayda cusub lagu baro Jaamacadda, nidaamka waxbarashada, adeegyada ardayda iyo habraacyada muhiimka ah ee sanad-dugsiyeedka.

๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐š: ๐Š๐ก๐š๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ, ๐Ÿ– ๐Ž๐œ๐ญ๐จ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”
๐–๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐š: ๐Ÿ–:๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐’๐ฎ๐›๐š๐ฑ๐ง๐ข๐ฆ๐จ
๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š: ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐‰๐จ๐›๐ค๐ž๐ฒ, ๐Š๐Œ๐Ÿ’, ๐€๐›๐๐ข๐ช๐š๐ฌ๐ข๐ฆ, ๐“๐š๐ฅ๐ž๐ž๐ฑ

Dhammaan ardayda cusub waxaa laga codsanayaa inay waqtiga ilaaliyaan oo ay kasoo qayb galaan.

JOBKEY UNIVERSITY
Success Starts Here.

MAHADCELIN IYO BOGAADINWasiirka  Wasarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, wasir ku-xigeenka...
03/10/2026

MAHADCELIN IYO BOGAADIN

Wasiirka Wasarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, wasir ku-xigeenka iyo Teamka Wasarada ayaa uga mahadceliyay Maamulka Jaamacadda Jobkey deeqda waxbarasho ee Jaamacaddu gaarsiisay Wasaaradda.

Wasiirku wuxuu bogaadiyay dadaalka Jaamacadda Jobkey ee taageeridda waxbarashada, horumarinta aqoonta dhalinyarada iyo abuurista fursado waxbarasho oo bulshada loogu adeegayo.

Jaamacadda Jobkey waxay sii waddaa barnaamijyada deeqaha waxbarasho iyo iskaashiga hayโ€™adaha kala duwan.

Jobkey University Somalia
Success Starts Here!

02/10/2026

Ku soo biir jaamacada Jobkey University Somalia sanad dugsiyeedka 2026/2027. Waa arday cusub oo ku soo biirey jaamacada kuna faraxsan in uu u rumeeyey riyadiisa oo ah in uu Mar uun ku soo biiro

DIIWAANGELINTA DISTANCE & ONLINE LEARNING WAA FURAN TAHAYMa shaqeysaa?Ma joogtaa meel ka fog xarumaha Jaamacadda?Ma doon...
01/10/2026

DIIWAANGELINTA DISTANCE & ONLINE LEARNING WAA FURAN TAHAY

Ma shaqeysaa?
Ma joogtaa meel ka fog xarumaha Jaamacadda?
Ma doonaysaa waxbarasho kuu saamaxaysa inaad wax ku barato meel kasta oo aad joogto?

Jobkey University waxay kuu diyaarisay Distance Learning & Online Learning, oo loogu talagalay ardayda doonaysa waxbarasho dabacsan.

Waxaad iska diiwaangelin kartaa:
โ€ข Diploma Programs
โ€ข Bachelor Degree Programs
โ€ข Master Degree Programs

Waxbarashadaada sii wad adigoo jooga gurigaaga, goobtaada shaqo ama meel kasta oo aad joogto.

Diiwaangelinta Sanad Dugsiyeedka 2026/2027 waa furan tahay.

Jobkey University
Success Starts Here!

Xafiiska Online Learning:
0617600010 / 0614417474

Waxaa weli si wanaagsan nooga socda diiwaan gelinta ardayda cusub ee sanad dugsiyeedka 2026/2027.arday fara badan iska d...
30/09/2026

Waxaa weli si wanaagsan nooga socda diiwaan gelinta ardayda cusub ee sanad dugsiyeedka 2026/2027.arday fara badan iska diiwaan gelisey jaamacada kuwaas oo ka faadeystey deeqda waxbarsho ee jaamacada. Hadaba si deg deg ah u gaar xarumaha Kala duwan ee jaamacada

30/09/2026

OGEYSIIS DIIWAANGELIN

Jaamacadda Jobkey waxay ogeysiinaysaa dhammaan ardayda danaynaysa barashada Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha in diiwaangelinta ardayda cusub ee Sanad Dugsiyeedka 2026/2027 ay socoto.

FACULTY OF AGRICULTURE & VETERINARY

Kulliyaddu waxay ardayda siinaysaa waxbarasho ku saabsan beeraha, wax-soo-saarka cuntada, xannaanada iyo caafimaadka xoolaha, iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah.

Diiwaangelintu way socotaa.

Distance Learning : 0617600010
Taleex Campus. :0612715578
SuuqbacaadCampus: 0612715575
Public Relations. : 0612715587
Postgraduate Office :0616928888 [email protected] www.jobkey.edu.so

JOBKEY UNIVERSITY
Success Starts Here!

Address

Hodan, Tarbuunka Street Mogadishu
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jobkey University Online Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share