31/10/2024
Xil Wareejinta Guddoomiyaha Kuliyadda Culuumta Computing-ka
Maanta waxaa si rasmi ah xilka guddoomiyaha Kuliyadda Culuumta Computing-ka ula wareegtay Eng.Shukri Khaliif Cabdi, iyadoo xilkaasi uu ka wareejiyay guddoomiyihii h**e, Eng.Anas Suudi Nageeye. Waxaan u mahadcelinaynaa Eng.Anas dadaalkiisii iyo hogaamintii uu ku mideeyay ardayda culuumta computing-ka, isagoo ka shaqeeyay horumarinta iyo dardargelinta howlaha midowga ardayda.
Waxaan ku kalsoonahay in Eng.Shukri Khaliif Cabdi ay sii wadi doonto hogaamintaas oo ay gaarsiin doonto heer ka sareeya. Ardayda kuliyadda oo dhan waxay diyaar u yihiin inay si buuxda ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub, una garab istaagaan hirgelinta himilooyinka cusub.
Kuliyadda Culuumta Computing-ka - Darul Hikmah