06/10/2026
Qaar ka mid ah ardayda Kulliyadda Duulista Rayidka ee Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta ka qaybgalay tababar ku saabsan Maareynta Hawada iyo Amniga Duulista, kaas oo lagu qabtay xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Kulliyadda ee lagu horumarinayo aqoonta, xirfadaha iyo waayo aragnimada ardayda ee la xiriirta duulista rayidka. Tababarka waxaa bixiyey khubarro iyo macallimiin ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kuwaas oo ardayda la wadaagay aqoon ku saabsan Maareynta Hawada (Air Traffic Management) iyo Amniga Duulista (Aviation Security).
Kulliyadda Duulista Rayidka waxay sii wadi doontaa xoojinta xiriirka ay la leedahay hay’adaha xirfadlayaasha duulista, si ay ardaydu u helaan aqoon iyo waayo aragnimo wax kuool ah, una diyaar garoobaan mustaqbalka xirfadda duulista rayidka.
Faculty of Civil Aviation - Mogadishu University
✈️ Building the Next Generation of Aviation Professionals