06/08/2026
π’ BAYAAN RASMI AH | BUMSA CUP 2026
Guddiga Qabanqaabada BUMSA Cup 2026 waxay bulshada Jaamacadda Benadir la wadaagayaan go'aanka soo socda:
Kadib baaritaan iyo xaqiijin ay sameeyeen guddiga tartanka, waxaa la caddeeyay in Batch 25 ay jebiyeen Qodobka 3-aad ee Xeerarka BUMSA Cup 2026, kaas oo dhigaya in koox kasta oo isticmaasha ciyaaryahan aan u qalmin tartanka laga saarayo koobka.
Iyadoo la raacayo xeerarka tartanka, Guddigu wuxuu go'aamiyay:
- In Batch 25 laga saaro tartanka.
- In natiijooyinka Group A dib loogu xisaabiyo si waafaqsan xeerarka tartanka.
Sidaas darteed, jadwalka wareegga bug-baxa wuxuu noqonayaa:
β½ Semi-final
Batch 21 π Batch 23
π Final
Batch 22 ayaa si toos ah ugu soo baxay Final-ka, iyadoo lagu saleeyay habraaca tartanka.
Go'aankan waxaa loo gaaray si loo ilaaliyo caddaaladda, hufnaanta iyo ku dhaqanka xeerarka BUMSA Cup 2026.
Mahadsanidiin.
Guddiga Qabanqaabada BUMSA Cup 2026