20/06/2026
Nadwo cilmiyeed ciiwaankeeda uu yahay soo bandhigista takhasusyada iyo wacyigelin guud ayaa loo qaban doona ardayda Faculty of Shari'a & Leadership - Hormuud University
saacadu marka ay tahay (9.00) Nadwadan waxay ka dhici doontaa Hormuud university Daarul Hikmah Campus, Degmada Kaaxda, Magaalada Muqdisho,
iyadoo ujeeddadeedu tahay in ardayda lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay takhasusyada ay soo kordhisay jaamacadda iyo ardayga shareecada bartay doorka uu ku leeyahay bulshada.
Barnaamijkan waxaa marti sharaf noogu ah Prof. Cabdirisaaq Maxamed Xaashi, Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Jazeera.
Prof. Cabdirisaaq wuxuu si gaar ah uga hadli doonaa mowduuca:
Akhlaaqda saxda ah ee laga doonayo ardayga Shareecada, masuuliyaddiisa, iyo doorkiisa uu ku leeyahay inuu noqdo tusaale lagu daydo bulshada dhexdeeda
Inta lagu guda jiro muxaadarada, wuxuu iftiimin doonaa akhlaaqda laga doonayo ardayga Shareecada bartay, masuuliyadda saaran, iyo sida uu u noqon karo qof bulshada dhexdeeda lagu daydo.
Nadwadan waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo aqoonta, wacyiga, iyo anshaxa ardayda, si ay u noqdaan jiil leh aqoon, akhlaaq wanaagsan, iyo masuuliyad bulsho.
______________
📢 دعوة لحضور الندوة العلمية
يسر كلية الشريعة والقيادة بجامعة هرمود دعوتكم لحضور الندوة العلمية بعنوان:
"طالب العلم الشرعي: رسالة ومسؤولية وقدوة"
🎙️ يقدمها:
البروفيسور/ عبدالرزاق محمد حاشي
📅 الأحد 21-06-2026م
🕘 الساعة 9:00 صباحًا
📍 قاعة الاجتماعات
حضوركم تشريفٌ وإثراءٌ للندوة، فمرحبًا بكم.
@