09/06/2026
Aqoon-kororsi loogu talagalay ardayda ku jirta sanadka ugu dambeeya ee Jaamacadda Hormuud oo cinwaankeedu yahay “From Thesis to Publication: Developing a Dissertation into a Journal Article” ayaa dhici doonta June 10, 2026 (08:00 AM), waxaana lagu qaban doonaa xarunta Darul Hikmah Campus.
Aqoon-kororsigaan waxaa bixin doona Mr. Abdimajid Yusuf Ibey, oo ah bare iyo cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Hormuud.
Aqoon-kororsigaan wuxuu diiradda saari doonaa sida ardaydu ugu beddeli karaan thesis-kooda ama dissertation-kooda maqaal cilmiyeed (Journal Article), hababka qorista cilmi-baaris tayo leh, diyaarinta manuscript-ka, xulashada joornaalada ku habboon, iyo fahamka habraacyada daabacaadda iyo peer-review-ga si kor loogu qaado fursadaha daabacaadda cilmi-baarista.
______
A workshop for final-year students of Hormuud University, titled “From Thesis to Publication: Developing a Dissertation into a Journal Article,” will take place on June 10, 2026 (08:00 AM) at Darul Hikmah Campus.
The session will be delivered by Mr. Abdimajid Yusuf Ibey, an Academic Staff at Hormuud University.
The workshop will guide students through the process of transforming a thesis or dissertation into a publishable journal article, covering manuscript preparation, academic writing techniques, journal selection, publication requirements, and strategies for navigating the peer-review process successfully.