08/08/2026
Tababar Heer Sare ee Daabacaadda 3D ayaa si Guul leh loo Qabtay
Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU) waaxda architecture, ayadoo kaashaneysaa somali institute of architects - SIA iyo iForge ayaa si guul leh u qabtey tababarkaan ee Daabacaadda 3D ee ardayda injineeriyadda, iyadoo hal-ku-dhiggu ahaa:
"Daabacaadda 3D: Laga bilaabo Naqshadda Dijitaalka ah ilaa Shayga Dhabta ah."
Tababarkaam wuxuu ardayda siiyay waayo-aragnimo wax-ku-ool ah oo ku saabsan teknoolojiyada casriga ah ee daabacaadda 3D, isagoo soo bandhigay geeddi-socodka dhammaystiran ee loogu beddelayo naqshadaha dijitaalka ah shay dhab ah. Ka qaybgalayaashu waxay barteen qaabaynta dijitaalka ah, sida loo shaqaysiiyo daabacaha, xulashada agabka, habaynta mashiinka, iyo adeegsiyada wax-ku-oolka ah ee farsamada wax-soo-saarka is-dul-saaran (additive manufacturing) ee dhinacyada naqshadeynta dhismayaasha, injineeriyadda, iyo naqshadaynta badeecadaha.