24/02/2026
📢 BANDHIG AQOONEED MUHIIM AH – KULLIYADDA INJINEERINKA JAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED
Kulliyadda Engineering & Architecture ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay si sharaf leh idiinku martiqaadaysaa bandhig aqooneed heer sare ah oo ku saabsan:
“Career Opportunities in the Architecture & Engineering Market in Somalia”
Bandhigga waxa ka qaybgalaya khubaro waaweyn oo leh waayo-aragnimo ka badan 40 sano, kuwaas oo ka imanaya jaamacado, hay’ado xirfadeed iyo shirkado dhisme oo waaweyn. Waxay la wadaagi doonaan ka-qaybgalayaasha:
▪︎ Fursadaha shaqo ee ka jira suuqyada Architecture & Engineering ee Soomaaliya
▪︎ Sida ardaydu ugu diyaargaroobi karaan suuqa shaqada
▪︎ Khibrado dhab ah iyo talooyin wax ku ool ah
▪︎ Doorka jaamacadaha, xirfadda, iyo anshaxa shaqo ee guusha mustaqbalka
📍 Goobta:
Masraxa Prof. Sharif Salah – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
📅 Taariikhda:
Arbaco, 25 Febraayo 2026
⏰ Waqtiga:
9:30 subaxnimo – 3:00 galabnimo
Bandhiggan ma aha oo kaliya kulan aqooneed, balse waa madal is-dhexgal, talo wadaag, iyo dhiirrigelin oo u dhexeeya aqoonyahannada, ardayda iyo waalidiinta. Waxa uu door weyn ka qaadanayaa fahamka mustaqbalka xirfadaha Engineering & Architecture ee dalka.
👉 Waxaan si gaar ah u casumeynaa dhammaan macallimiinta, aqoonyahannada, waalidiinta iyo ardayda inay ka soo qayb galaan, kana faa’iideystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada ay soo bandhigi doonaan martida sharafta leh.
📌 Ka-qaybgalka waa furan yahay – soo dhawoow!
Fadlan la wadaag qoraalkan si ay u gaadho cid kasta oo ay quseyso.
Maamulka Kulliyadda Engineering & Architecture
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed