30/07/2026
Ardayda sannadka saddexaad ee Faculty of Agriculture ayaa ku qaatay tababaro kala duwan oo muhiim u ah cilmiga beeraha ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐๐๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ee ku taala ๐๐๐ซ๐ฎ๐ฅ ๐๐ข๐ค๐ฆ๐๐ก ๐๐๐ฆ๐ฉ๐ฎ๐ฌ.
Tababaradaani waxaa ka mid ahaa rakibidda hababka waraabka casriga ah, barashada aasaaska nursery-ga (shubka), aqoonsiga astaamaha cudurrada dhirta iyo cayayaanka waxyeellada u geysta dalagyada, iyo farsamooyinka wax-soo-saarka qudaarta ee lagu beero aqalka dhirta lagu koriyo (greenhouse).
Guud ahaan, tababaradaan joogtada ah ee ay helaan ardayda Faculty of Agriculture waxay qeyb ka yihiin dadaallada ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ Hormuud ee lagu xoojinayo aqoontooda iyo xirfadahooda wax-ku-oolka ah ee la xiriira cilmiga beeraha, isla markaana kor loogu qaadayo diyaar garowgooda si ay u daboolaan baahiyaha suuqa shaqada, ayna si wax ku ool ah uga qayb qaataan horumarinta waaxda beeraha ee dalka.
---
Our third-year students of the Faculty of Agriculture participated in a series of practical training sessions at ๐๐จ๐ซ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ง๐ข๐ฏ๐๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ ๐๐ ๐ซ๐ข๐๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฎ๐ซ๐๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก ๐๐ง๐ ๐๐ซ๐๐ข๐ง๐ข๐ง๐ ๐
๐๐ซ๐ฆ, which is located at Darul Hikmah Campus, aimed at strengthening their technical knowledge and professional skills in agricultural sciences.
The training covered key areas including the installation of modern irrigation systems, the fundamental principles of plant nurseries (seedling production), identification of symptoms of plant diseases and insect pests that damage crops, as well as vegetable production techniques in greenhouse cultivation.
Overall, these continuous practical training activities provided to students of the Faculty of Agriculture are part of Hormuud Universityโ๐ฌ efforts to enhance their practical knowledge and skills in agricultural sciences. They also aim to improve studentsโ readiness to meet the demands of the job market and enable them to effectively contribute to the development of the agricultural sector in the country.