Green Hope University Qardho Campus

Call Website

Green Hope University Qardho Campus Green Hope University Qardho

๐Ÿ“ข FURSAD TOBABAR: 6 MAALMOOD OO KALIYA!Muuqaalka naqshadaynta iyo casriga ma rabtaa inaad barato?   _University _Qardho_...
09/07/2026

๐Ÿ“ข FURSAD TOBABAR: 6 MAALMOOD OO KALIYA!
Muuqaalka naqshadaynta iyo casriga ma rabtaa inaad barato? _University _Qardho_Campus waxay kuu haysaa tobabar gacanta ah (Practical Training) oo soconaya inta dhexaysay 11-ka ilaa 16-ka July.

๐Ÿ“š Maxaad ku baranaysaa?

Photoshop & Illustrator
Premiere Pro & InDesign
CorelDRAW & Acrobat PDF
๐Ÿ’ก Maxaad ku helaysaa?
๐Ÿ“œ Shahaado Bilaash Ah (Free Certificate)
๐Ÿ’ป Shaybaaro casri ah iyo macallimiin khubaro ah.

๐Ÿ’ต Lacagta is-diiwaangelinta waa kaliya $6!
๐Ÿ“ฒ SI TOOS AH UDEEGSO KOOPTA WHATSAPP-KA:
Ku biir kooxda rasmiga ah ee tababarka si aad isu diiwaangeliso:
๐Ÿ”— Ku dhufo halkaan: https://chat.whatsapp.com/EXs9bW0emLl6NYYn6IGPWD
๐Ÿ“ž Wixii faahfaahin ah wac: +252 905 906030 | +252 907 061917

01/07/2026
WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE OO SOO AGAASINTAY KULAN LAGAGA HADLAY HORMARINTA IYO MUSTAQBALKA TACLIINTA SA...
24/06/2026

WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE OO SOO AGAASINTAY KULAN LAGAGA HADLAY HORMARINTA IYO MUSTAQBALKA TACLIINTA SARE EE PUNTLAND

Garoowe, Jun 24, 2026; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland ayaa maanta soo agaasintay kulan muhiim ah oo ka qabsoomay Madaxtooyada Dawladda Puntland, kaas oo lagu gorfeeyey xaaladda guud, caqabadaha jira iyo jihada mustaqbalka ee tacliinta sare ee Puntland.

Kulanka waxaa guddoomiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, iyadoo ay goobjoog ahaayeen madaxda sare iyo masuuliyiin Wasaaradda, Guddiga Tacliinta Sare ee dhawaan la magacaabay, madaxda jaamacadaha iyo xubno kale oo ka tirsan bahda tacliinta sare.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyey horumarinta nidaamka tacliinta sare, gaar ahaan kor-u-qaadista tayada waxbarashada, kobcinta cilmi-baarista, horumarinta aqoonta iyo adeegsiga tiknoolajiyadda, xoojinta nidaamyada maamul iyo tayeyn ee jaamacadaha iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka hagaya tacliinta sare ee Puntland.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay howlgelinta Guddiga Tacliinta Sare ee cusub iyo doorka uu ka qaadanayo nidaaminta, tayeynta iyo horumarinta tacliinta sare, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa guddiga, Wasaaradda iyo dhammaan hayโ€™adaha ku howllan tacliinta sare.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay muhiimad weyn siinaysaa isu imaatinka daneeyayaasha kala duwan ee tacliinta sare, maadaama ay tani ka tarjumayso dadaalka Dawladda Puntland ee ku wajahan dhismaha nidaam waxbarasho oo tayo leh, kobcinta aqoonta iyo diyaarinta jiil leh karti iyo xirfado ku habboon baahiyaha bulshada.

DHAMMAAD

Waxaa si rasmi ah uga socda Jaamacadda Green Hope University, Qardho Campus, difaacashada buugaagta Thesis-ka ee ardayda...
19/06/2026

Waxaa si rasmi ah uga socda Jaamacadda Green Hope University, Qardho Campus, difaacashada buugaagta Thesis-ka ee ardayda qalin-jebinta sannad-dugsiyeedka 2026. Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda difaacaya cilmi-baaristooda guul, kalsooni iyo natiijooyin wanaagsan. Hambalyo dadaalkii dheeraa ee aad soomarteen idinka waalidkiin, walaalihiin iyo saaxiibadiin

Address

Masjidu Riyaad, Qoryacad
Qardho
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Green Hope University Qardho Campus posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share