Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Faraca Qardho

  • Home
  • Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Faraca Qardho
Call Contact the university

Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Faraca Qardho Kusoo dhawoow bogga rasmiga ah ee EAU GARDO STUDENTS ASSOCIATION

📢 𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗦 𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠 𝗔𝗛 | 𝗢𝗣𝗘𝗡 𝗗𝗔𝗬Jaamacadda Bariga Afrika – Faraca Qardho waxaa si rasmi ah loo furayaa Maalinta  "𝗦𝗔𝗕𝗧𝗜𝗗𝗔...
18/09/2026

📢 𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗦 𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠 𝗔𝗛 | 𝗢𝗣𝗘𝗡 𝗗𝗔𝗬

Jaamacadda Bariga Afrika – Faraca Qardho waxaa si rasmi ah loo furayaa Maalinta "𝗦𝗔𝗕𝗧𝗜𝗗𝗔" taarikhduna ay ku beegan tahay 𝟭𝟵.𝟵.𝟮𝟬𝟮𝟲.

waxaana si toos ah u bilaabanaya xiisadaha waxbarashada.

Dhammaan ardayda waxaa lagu wargelinayaa inay u diyaar garoobaan soo xaadirista Jaamacadda iyo bilowga xiisadaha.

Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho, 𝗘𝗡𝗚. Hon Abdalla Mohamed Omar wuxuu dhammaan ardayda u rajaynayaa soo laabasho farxad leh, guul,baraare iyo sannad waxbarasho oo miro-dhal ah. ❤️🎓

DHAMAAD.










𝗫𝗔𝗟𝗔𝗬 | 𝟭𝟱-𝗦𝗘𝗣𝗧𝗘𝗠𝗕𝗘𝗥-𝟮𝟬𝟮𝟲𝗧𝗔𝗕𝗔𝗕𝗔𝗥 𝗞𝗨 𝗦𝗔𝗔𝗕𝗦𝗔𝗡 𝗤𝗔𝗔𝗕𝗞𝗔 𝗟𝗢𝗢 𝗡𝗢𝗤𝗗𝗢 𝗫𝗜𝗦𝗔𝗔𝗕𝗜𝗬𝗘 𝗫𝗜𝗥𝗙𝗔𝗗𝗟𝗘 𝗔𝗛Xalay, oo ku beegnayd taarikhdu 15-Sep...
16/09/2026

𝗫𝗔𝗟𝗔𝗬 | 𝟭𝟱-𝗦𝗘𝗣𝗧𝗘𝗠𝗕𝗘𝗥-𝟮𝟬𝟮𝟲
𝗧𝗔𝗕𝗔𝗕𝗔𝗥 𝗞𝗨 𝗦𝗔𝗔𝗕𝗦𝗔𝗡 𝗤𝗔𝗔𝗕𝗞𝗔 𝗟𝗢𝗢 𝗡𝗢𝗤𝗗𝗢 𝗫𝗜𝗦𝗔𝗔𝗕𝗜𝗬𝗘 𝗫𝗜𝗥𝗙𝗔𝗗𝗟𝗘 𝗔𝗛

Xalay, oo ku beegnayd taarikhdu 15-Sep-2026, Jaamacadda Bariga Afrika(JBA) Qardho iyo Mac-hadka 𝗛𝗶𝗶𝗹 𝗜𝗻𝘀𝘁𝗶𝘁𝘂𝘁𝗲 ayaa si wadajir ah u qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan "𝗧𝗵𝗲 𝗥𝗼𝗮𝗱𝗺𝗮𝗽 𝗼𝗳 𝗕𝗲𝗰𝗼𝗺𝗶𝗻𝗴 𝗮 𝗣𝗿𝗼𝗳𝗲𝘀𝘀𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗰𝗰𝗼𝘂𝗻𝘁𝗮𝗻𝘁" kaas oo diiradda lagu saarayay waddada loo maro noqoshada Xisaabiye Xirfadle ah.

Tababarka waxaa soo jeediyey 𝗗𝗿. 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗫𝗮𝗮𝗷𝗶 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗮𝗺𝗲 oo ah khabiir ku xeeldheer arrimaha xisaabaadka.

Tababarka oo isugu jiray soo-jeedin, weydiimo iyo faallooyin ayaa waxaa kasoo qaybgalay ardayda Jaamacadda, qaar kamid ah aqoonyahanka magaalada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa sidoo kale munaasabadda kasoo qaybgalay 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗝𝗕𝗔 𝗤𝗮𝗿𝗱𝗵𝗼. 𝗘𝗡𝗚. Hon Abdalla Mohamed Omar
Mawduucan ayaa muhiimad gaar ah u lahaa ardayda Jaamacadda, gaar ahaan ardayda baranaysa Xisaabaadka iyo maaddooyinka la xiriira, maadaama uu siinayay faham ku saabsan xirfadda xisaabiyaha, fursadaha horumarineed iyo waddada loo maro noqoshada xisaabiye xirfad leh.

Ururka Ardayda JBA Qardho wuxuu bogaadinayaa dadaallada noocan ah ee lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha ardayda, wuxuuna dhiirrigelinayaa joogteynta barnaamijyada waxbarasho ee faa’iidada u leh ardayda iyo bulshada.

Ururka Ardayda JBA Qardho wuxuu si weyn ugu mahadcelinayaa 𝗗𝗿. 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗫𝗮𝗮𝗷𝗶 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗮𝗺𝗲, oo ah aqoonyahan iyo khabiir ku xeeldheer xisaabaadka, maaliyadda iyo maamulka, isla markaana leh heerar aqooneed iyo shahaadooyin xirfadeed oo ay kamid yihiin — 𝗠𝗕𝗔, 𝗖𝗣𝗔, 𝗖𝗚𝗠𝗔, 𝗖𝗜𝗣𝗙𝗔 waqtigiisa iyo aqoontiisa qiimaha leh ee uu la wadaagay bulshada reer Qardho, gaar ahaan ardayda Jaamacadda.

Sidoo kale, Ururku wuxuu u mahadcelinayaa Jaamacadda Bariga Afrika (JBA) Qardho iyo Hiil Institute oo iska kaashaday qabsoomidda tababarkan muhiimka ah, kaas oo muhiimad gaar ah u lahaa ardayda, gaar ahaan kuwa danaynaya ama baranaya cilmiga xisaabaadka.

DHAMAAD.








إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ﴿كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ﴾Guddoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda Bari...
27/08/2026

إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
﴿كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ﴾

Guddoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika (JBA) Qardho, ENG. Hon Abdalla Mohamed Omar iyo guud ahaan 𝗯𝗮𝗵𝗱𝗮 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗝𝗕𝗔 𝗤𝗮𝗿𝗱𝗵𝗼, waxay si weyn uga tacsiyeynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee 𝗖𝗮𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗟𝗶𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰 oo ku geeriyootay magaalada 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼.

Alle ha u naxariistee Caasho waxay ka mid ahayd ardaydii ka qalinjebisay Jaamacadda 𝘀𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱-𝗱𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱𝗸𝗶𝗶 𝟮𝟬𝟮𝟰–𝟮𝟬𝟮𝟱 gaar ahaan Kulliyadda Culuumta Bulshada iyo Dhaqaalaha, qaybta Maamulka Dadweynaha (𝗣𝘂𝗯𝗹𝗶𝗰 𝗔𝗱𝗺𝗶𝗻𝗶𝘀𝘁𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻).

Caasho intii ay waxbarashada ku jirtay waxay ku suntanayd aqoon iyo akhlaaq wanaagsan, waxayna ka mid ahayd ardaydii ugu firfircoonaa bulshada ardayda.

Naf walba waa dhimanaysaa, waxaan Eebbe SWT uga baryeynaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Qoyska, qaraabada, ehelka iyo asxaabtana waxaan Alle uga baryeynaa inuu ka siiyo samir iyo iimaan.

Aamiin. 🤲

Aan u wada ducayno walaasheen Caasho Liibaan Jaamac, in Alle u naxariisto, qabrigeedana u nuuriyo, una waasiciyo, kana waraabiyo naxariistiisa Janno.

Aamiin Ya Rabbal Caalamiin. 🤲

Dhamaad.....

.

14/08/2026

Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Ururka Ardeyda JBA Qardho.

Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho, Eng. Hon Abdalla Mohamed Omar ayaa hadal-jeedin ka sameeyey tartanka aqooneed ku saabsanaa 𝗔𝗰𝗰𝗼𝘂𝗻𝘁𝗶𝗻𝗴 𝗮𝗻𝗱 𝗙𝗶𝗻𝗮𝗻𝗰𝗲 𝗖𝗼𝗺𝗽𝗲𝘁𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻, kaas oo loo qabtay ardayda Kulliyadda Maamulka iyo Ganacsiga, gaar ahaan qaybta Accounting and Finance.

Guddoomiyuhu wuxuu hadalkiisa ku dhiirrigeliyey ardayda, isagoo adkeeyey muhiimadda aqoonta, tartanka waxbarasho iyo horumarinta kartida ardayda.

🎥 Daawo hadal-jeedinta Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho.


04/08/2026

Taariikh 3-August-2026

Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Dawladda Puntland kulan ambabixin iyo macasalaamayn isugu jira oo si heer sare ah loo soo agaasimay, loona sameeyey Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho, Eng. Hon Abdalla Mohamed Omar oo muddo safar gaaban iyo arrimo shaqo ku joogay magaalada Garowe.

Casumaaddan qiimaha badan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey madaxweynayaasha ururrada ardayda jaamacadaha kala duwan ee Gobolka Nugaal, gaar ahaan kuwa ka dhisan caasimadda Garowe.

Golaha martida sharfta leh ee kulanka fadhiyey waxaa ka muuqday midnimo, wadajir iyo iskaashi ay wadaagaan ururrada ardayda, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynayaal ka kala socday jaamacadaha kala duwan ee gobolka.

Madaxda ka qeyb gashay kulanka waxaa ka mid ahaa:

1. Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda East Africa University, faraca Garowe.
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲: 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗾𝗮𝗱𝗶𝗿 𝗛𝗮𝘀𝘀𝗮𝗻 𝗖𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻 (𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗗𝗼𝗼𝗻)

2. Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Bosaso University, faraca Garowe
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲: 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗗𝗲𝗲𝗾 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘀𝗵𝗶𝗱 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗾𝗮𝗱𝗶𝗿 (𝗠. 𝗗𝗲𝗲𝗾)

3. Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda PSU.
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲: 𝗔𝗯𝗱𝗶𝘅𝗮𝗮𝗸𝗶𝗶𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 (𝗖𝗶𝗺𝗯𝗶𝗿𝗶𝗾)

4. Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Puntland University.
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲: 𝗔𝗯𝗱𝗶𝘀𝗮𝗺𝗮𝗱 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝗵𝗺𝗮𝗻 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 (𝗠𝘂𝗯𝗮𝗿𝗮𝗸)

5. Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Frontier University.
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲: 𝗔𝘀𝗵𝗿𝗮𝗳 𝗔𝗹𝗶 𝗗𝗵𝘂𝘂𝘅 (𝗔𝗹𝗶 𝗗𝗵𝘂𝘂𝘅)

6. Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Northeastern University of Somalia.
𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲: 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗶𝘇𝗮𝗾 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 (𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗮𝘄𝗶)

Kulankan ambabixinta iyo macasalaamaynta ah wuxuu ahaa mid xambaarsanaa farriin qoto dheer oo ku saabsan midnimo, is-ixtiraam iyo iskaashi mustaqbal leh, isagoo muujinaya doorka muhiimka ah ee ay ardaydu ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo xoojinta xiriirka jaamacadaha Gobolka Nugaal.

Ugu dambayn, kulankani wuxuu noqday mid xasuus mudan oo ka tarjumaya wadajirka iyo is garab istaagga ardayda, isla markaana dhaxal u noqon doona xiriir sii kobcaya oo u dhexeeya ururrada ardayda ee gobolka.

DHAMAAD .



















🎉 HAMBALYO SANADGUURADA PUNTLAND 🇸🇱Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho, Eng. Hon Abdalla Mohamed Omar  wuxuu hambalyo...
01/08/2026

🎉 HAMBALYO SANADGUURADA PUNTLAND 🇸🇱

Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho, Eng. Hon Abdalla Mohamed Omar wuxuu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan shacabka Puntland, gaar ahaan ardayda, bahda waxbarashada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, munaasabadda sanadguuradii 28-aad ee kasoo wareegtay maalintii la aas-aasay Dawladda Puntland.

📅 1-August-1998 – 1-August-2026
Maalintan qiimaha leh waxay astaan u tahay halgan, midnimo iyo horumar ay gaartay Puntland. Waa maalin xusuus mudan oo lagu muujinayo doorka ay waxbarashadu ku leedahay dhismaha mustaqbalka.

Puntland: Nabad, Horumar iyo Wadajir
Ururka Ardayda JBA Qardho wuxuu markale hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka, isaga oo u rajeynaya horumar, barwaaqo iyo mustaqbal ifaya.




31/07/2026

BOOQASHO RASMI AH | ADMAS UNIVERSITY PUNTLAND – GAROWE. (Ducomentry)

Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA-QARDHO, Eng. Hon Abdalla Mohamed Omar, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay jaamacada 𝐀𝐃𝐌𝐀𝐒 𝐔𝐍𝐈𝐕𝐄𝐑𝐒𝐈𝐓𝐘 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 – 𝐅𝐀𝐑𝐀𝐂𝐄𝐄𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐎𝐖𝐄 halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Guddoomiyaha waxaa soo dhaweeyey dhiggiisa, Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Puntland, 𝐌𝐔𝐃𝐀𝐍𝐄 𝐀𝐁𝐃𝐈𝐒𝐀𝐌𝐀𝐃 𝐀𝐁𝐃𝐈𝐑𝐀𝐇𝐌𝐀𝐍 𝐌𝐎𝐇𝐀𝐌𝐄𝐃 Intii uu booqashadu socotay, wuxuu kormeer ku tagay xarumaha kala duwan ee jaamacadda iyo Laboratories, isagoo bogaadiyey horumarka iyo tayada waxbarashada.

Booqashadu waxay ahayd mid lagu xoojinayey iskaashiga, is-dhaafsiga khibradaha iyo mideynta ururrada ardayda Soomaaliyeed.

Ducomentry Dhamaad.


Khamiis, 30 Luulyo 2026.SAWIRO: BOOQASHO RASMI AH |  JAAMACADDA ADMAS PUNTLAND – GAROWEGuddoomiyaha Ururka Ardayda JBA-Q...
31/07/2026

Khamiis, 30 Luulyo 2026.

SAWIRO: BOOQASHO RASMI AH | JAAMACADDA ADMAS PUNTLAND – GAROWE

Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA-QARDHO, Eng. Hon Abdalla Mohamed Omar ayaa Khamiistii booqasho rasmi ah ku tagay 𝐀𝐃𝐌𝐀𝐒 𝐔𝐍𝐈𝐕𝐄𝐑𝐒𝐈𝐓𝐘 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 – 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐜𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey.

Guddoomiyaha waxaa soo dhaweeyey dhiggiisa, Madaxweynaha Ururka Ardayda Jaamacadda Admas Puntland University 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 iyadoo booqashadu ku qabsoontay jawi saaxiibtinimo, is-ixtiraam iyo wada-shaqayn.

Intii uu booqashadu socotay, Guddoomiyuhu wuxuu kormeer ku tagay xafiisyada kala duwan ee jaamacadda iyo shaybaarrada (Laboratories) ay ardaydu ku qaataan tababarrada waxbarasho, isagoo si weyn u bogaadiyey tayada goobaha waxbarashada iyo horumarka ay gaartay jaamacaddu.

Sidoo kale, labada dhinac waxay is dhaafsadeen fikrado iyo heshiisyo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta adeegyada loo hayo ardayda.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka Jaamacadda Admas Puntland iyo Ururka Ardayda soo dhoweyntii diirranayd iyo martigelintii qiimaha lahayd. Waxa uuna u rajeeyey in iskaashigan uu sii xoogaysto, kana miro-dhalo fursado iyo horumar ay ka faa'iidaystaan ardayda Soomaaliyeed.

DHAMAAD.



30/07/2026

𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡: 𝟐𝟗-𝟕-𝟐𝟔

BOOQASHO RASMI AH OO KU AADDAN XOOJINTA ISKAASHIGA JAAMACADAHA

Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho, ENG. Hon Abdalla Mohamed Omar ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatay muddo laba maalmood ah ku tagay jaamacada Bosaso University – Faraceeda Garowe, halkaas oo si heer sare ah oo maamuus leh loogu soo dhaweeyey.

Guddoomiyaha waxaa soo dhaweeyey dhiggiisa, Madaxweynaha Ururka Ardayda Bosaso University – Garowe, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐪𝐚𝐝𝐢𝐫 (𝐌𝐨𝐡𝐚-𝐃𝐞𝐞𝐪) iyo guud ahaan bahda maamulka, macallimiinta iyo ardayda jaamacadda.

Booqashadan oo ujeeddadeedu ahayd isbarasho is-weydaarsi khibradeed iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya ururrada ardayda jaamacadaha, ayay isugu jirtay, soo dhaweyn rasmi ah iyo kormeer lagu sameeyey xarumaha kala duwan ee jaamacadda.
Xarumaha uu Guddoomiyuhu booqday waxaa ka mid ahaa:

• 𝐌𝐚𝐢𝐧 𝐂𝐚𝐦𝐩𝐮𝐬 ka weyn ee Jaamacadda, isagoo kormeer ku tagay:
Xafiisyada kala duwan ee maamulka jaamacadda.
Fasalada ay ardaydu wax ku bartaan.

• 𝐊𝐮𝐥𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚, halkaas oo uu ku booqday:
* Pharmacy-ga ardeyda.
* Laboratory-ga casriga ah ee ardayda.
* Library-ga ardeyda.
* Qolalka guud ee waxbarashada caafimaadka.
*Qaybta Practical-ka ee lagu barto laguna tababarto xubnaha jirka bini'aadamka.

Guddoomiyaha ayaa si weyn u bogaadiyey horumarka weyn ee ka muuqda ee jaamacada Bosaso University – Garowe, isagoo ammaanay tayada goobaha waxbarashada, qalabka casriga ah ee lagu tababaro ardayda caafimaadka, xafiisyada si wanaagsan loo habeeyey ee u adeegaya horumarinta ardayda, iyo dadaalka joogtada ah ee ay wadaan maamulka jaamacadda iyo Ururka Ardaydu.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu mahadnaq gaar ah u jeediyey Madaxweynaha Ururka Ardayda Bosaso University – Garowe, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐪𝐚𝐝𝐢𝐫 (𝐌𝐨𝐡𝐚-𝐃𝐞𝐞𝐪) iyo dhammaan bahda jaamacadda, isagoo uga mahadceliyey soo dhoweyntii diirranayd, martigelintii qiimaha lahayd iyo wada-shaqaynta wanaagsan ee ay muujiyeen.

Booqashadan waxay astaan u tahay xoojinta iskaashiga, is-dhaafsiga khibradaha iyo mideynta ururrada ardayda Soomaaliyeed, si loo kobciyo hoggaaminta ardayda, korna loogu qaado tayada waxbarashada iyo adeegyada ay helaan ardaydu.

"Midnimo, Iskaashi iyo Horumar ayaa ah saldhigga guusha ardayda Soomaaliyeed."

DHAMAAD.

📸 𝗦𝗔𝗪𝗜𝗥𝗢: Booqashadii rasmiga ahayd ee Bosaso University – Garowe.Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho, Eng. Hon Abdal...
29/07/2026

📸 𝗦𝗔𝗪𝗜𝗥𝗢: Booqashadii rasmiga ahayd ee Bosaso University – Garowe.

Guddoomiyaha Ururka Ardayda JBA Qardho, Eng. Hon Abdalla Mohamed Omar iyo dhigiisa Madaxweynaha Ururka Ardayda Bosaso University – Garowe, 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲: 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘀𝗵𝗶𝗱 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗾𝗮𝗱𝗶𝗿 (𝗠𝗼𝗵𝗮-𝗗𝗲𝗲𝗾) ayaa si rasmi ah isu dhaafsaday heshiisyo iskaashi oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada urur.

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya is-dhaafsiga khibradaha, horumarinta hoggaaminta ardayda, iyo hirgelinta barnaamijyo ay si wadajir ah uga faa'iideysan doonaan ardayda labada jaamacadood.





















Address

Galbeedka Magaalada Qardho

Telephone

+252906737252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Faraca Qardho posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The University

Send a message to Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Faraca Qardho:

Shortcuts

  • Want your university to be the top-listed university?

Share