03/09/2025
Waxaan Ka Qeyb Galay Tababar 2Maalin ah oo ay Soo Qaban,Qaabiyeen Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland iyo Hay'adda maxalliga SAAD, isla markaana ay taageereyso Hay'adda Caalamiga ah GIZ ayaa magaalada Qardho Gobolka Karkaar ku qabatay kulan
Wacyigelin iyo Wada-hadal ah, kuna saabsan Joojinta iyo Dabar-goynta Gudniinka Gabdhaha waxyeeleeya iyo
Tacaddiyada Hablaha.
Kulankaan ayaa looga Faa,ideeyay Ardayda Jaamacadda Green Hope University Qardho Campus
Kulankan waxaa ka qeyb galay 35 arday oo ka socday Jaamacadda Green Hope ee Magaalada Qardho, waxaana sidoo kale goob joog ka ahayd Iskuduwaha Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ee Gobolka Karkaar.
Intii kulanka iyo wada hadalka socday, waxaa xoogga la saaray:
Khatarta caafimaad iyo dhibaatooyinka nolosha oo dhan ee uu keeno gudniinka gabdhaha ee waxyeellada leh.
Waxaa kaloo jiray doodo wax ku ool ah oo ku saabsan caafimaadka, sharciga, xuquuqda aadanaha iyo siyaabaha looga hortegi karo gudniinka gabdhaha iyo dhammaan tacaddiyada haweenka ee waxyeellada leh.
Gabadh kastaa waxay xaq u leedahay inay u korto si caafimaad qabta, ammaan ah, kana xor ah caadooyinka waxyeellada leh. Hooyo caafimaad qabta waa bulsho caafimaad qabta.
…………..Dhamaad……………
Xafiiska Warfaafinta