29/06/2025
War-Saxaafadeed: Kulan Amni iyo Horumarineed
Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 Juun 2025 waxa si rasmi ah noo qabsoomay kulan weyn oo ay iskugu yimaadeen laamaha kala duwan ee dawladaha hoose ee degmada Taleex iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Caasimadda G/le Maxamed Cabdi Ismaaciil
Kulankan muhiimka ah wuxuu diiradda saarnaa:
1. Xoojinta amniga caasimadda si looga hortago wax kasta oo carqalad ku ah nabadda iyo deganaanshaha bulshada.
2. Dardargelinta shaqada dawladaha hoose gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa juhdiga iyo wada shaqeynta shaqaalaha kala duwan.
3. Kordhinta iyo joogteynta cashuurah taasoo laf-dhabar u ah horumarka adeegyada bulshada.
Mas’uuliyiinta ayaa isla gartay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, la helo nidaam hufan oo loo maro ururinta cashuuraha, iyo in laga wada shaqeeyo ilaalinta deegaankeena si wadajir ah.
Waa bilow cusub oo loo qaaday dhinaca dawladnimo, horumar iyo amni waara.
WabilaahiI tawfiiiq.